Guddida Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Waqtiga Rasmiga Ah Ay Doorasho Ku Qaban Karaan

Hargeysa, (SLP)- Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen waqtiga rasmiga ah ee ay u qorsheeyeen inay dalka doorasho ka dhacdo, kuwaasoo u muddeeyey 1-da June 2016-ka.guddida Doorashooyinka

Toddobada xubnood ee guddida doorashooyinku ka kooban yahay ayaa sheegay inay xilliga doorashada madaxtooyadda iyo wakiilladu dhacayso ay u jaan-gooyeen 01-da June 2016, taasoo u dhiganta inay muddo sanad ah loo kordhinayo waqtiga xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Guddida doorashooyinka Somaliland oo maanta kulanla yeeshay xildhibaannada golaha wakiillada ayaa kulankaas kaga warbixiyay sida hawshu u socota iyo xilliga ay u asteeyeen doorashadda, waxaana halkaasi su’aallo ku waydiiyey xildhibaanadda.

“Komishanka doorashooyinku waxa uu maanta golaha u hor yimid si uu uga xog waramo wixii u qabsoomay mudaddii aanu xilka haynay, waxaanu madaxweynaha xalay u gudbinay in doorashadda madaxtooyadda iyo Wakiiladdu dalka ka qabsoomi doonto bisha 01, June 2016-ka,” ayuu yiri gudoomiyaha guddidda Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu u gudbiyo waqtiga guddida doorashooyinku soo cayimeen golaha guurtida si xilligaas ugu daraan xukuumadda, isla markaana u kordhiyaan.

Asxaabta qaranka ee doorashadu khusayso ayaa soo dhaweeyay qorshahan Komishanku soo bandhigay, balse mudaneyaal Komishanka su’aalo waydiiyay ayaa ku doodday inaan Komishanku sharci u lahayn cayimida waqtiga doorashada balse ay tahay arrin guurtida u taala.

 

Somalilandpost.net