Guddida Diiwaan-gelinta oo soo bandhigay Sababa ay ku hadheen Sagaalka urur-siyaasadeed ee Go’aankoodu saamaynta ku yeeshay

Hargeysa (SLpost)- Guddida diiwaan-gelinta ururrada siyaasa adda iyo ansixinta axsaabta Somaliland ayaa markii u horeysay soo bandhigay qodobbadii ay ku fashilmeen sagaalkii urur-siyaasadeed ee ku hadhay kala shaan-dheyntii Ururadda siyaasaddda.

Guddida oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xaruntooda magaaladda Hargeysa ayaa soo bandhigay caddaynta go’aanka ay ku hadheen ururrada fashilmay isla markaana si weyn loo naqdiyay loona nashuushadeeyay go’aankooda ay soo saareen 19-kii Bishii hore.

Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay taxay qodobadii iyo galdaloolooyinkii sababay in sagaalkaasi urur ay ku hadhaan qiimayntii ururadda siyaasadda, waxaanu xusay in goboladda ay sagaalka urur badankoodu ku dhaceen ay ahaayeen Sool iyo Sanaag, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi:

1. SSCD waa uu hadhay waxaanu ku hadhay isaga oo aan xafiisyo ka furan goboladda dalka marka lagareebo Maroodi-jeex iyo 1000-kii qofna wuu ku hadhay dhammaan gobolada.

2. Ururka DAMAL xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil , Togdheer iyo Sanaag 1000 kii qofna muu buuxin gobolna

3. Ururka NUUR xafiisyo ka muu furan Saaxil iyo Sanaag 1000 qofna ee muu buuxin marka laga reebo Marood-jeex.

4 Ururka JAMHUURIGA xafiisyo ka muufuran goboladda Saaxil iyo Togdheer ,1000kii qofna muu buuxin marka laga reebo Maroodi-jeex

5.Ururka NDB xafiisyo ka muu furan goboladda Saaxil Iyo Togdheer muunabuuxin 1000kii qof goboladda Saail,Sanaag iyo Sool.

6 ururka HORYAAL xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil iyo Sool manuu buuxin 1000-kii qof goboladda Saaxil iyo Sanaag waxa kale uu ku hadhay 1000kii qof ee liiska ahaa .

7. Ururka UDHIS xafiisyo ka muu furan Goboladda Sanaag iyo Sool ,mana uu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa goboladda Sanaag iyo Togdheer .

8.  Ururka BADBAADO xafiisyo kamuu furan gobolka Sool mana uu buuxin 1000-kii qof ee madax-tabashada ahaa gobolada Sool iyo Sanaag .

9- Ururka GURMAD Xasfiis ka muu furan gobolka Sool manuu buuxin 1000-kii qof ee madaxtaabashada ahaa gobolka Awdal.

Afhayeenku waxa uu si weyn u naqdiyay ururadda hadhay ee mudaharaadka ku baaqay waxaanu u soo jeediyay inay ka xishoodaan ummadda oo ay iyagu is qiimeeyaan galdaloolooyinkoodii sababay inay seegaan ururadda u gudbay marxaladda ka qeyb galka doorashadda Goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta Md. C/Risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) ayaa difaacay go’aankooda oo uu ku sifeeyay mid sharci ah oo si xor ah ay u kala saareen ururaddii ay iyagu hore u diiwaan-geliyeen.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net