Guddida Dan Iyo Duce Oo Soo-saaray Baaq Ay Ku Beeninayaan Qoraal Lagaga Baahiyay Warbaahinta

Hargeysa (SLPOST)  Guddida dan iyo Duce ee Beelaha Gobolka Saaxil oo soo-saaray Baaqa beeninaya  jiritaanka Baaqa kale muusmaanta ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa, kaas oo ka hadlayay in Guddida Dan iyo Duce ay soo saartay Baaqa ay u dirayso Golayasha Qaranka iyo Xukuumadda ,  kaas oo Guddida Dan iyo Duco ay Baaqaas Been-abuur ku tilmaameen.

muuse Dalab

Waxaana Baaqa ay soo saareen Guddida Dan iyo Ducoe ay soo saareen u dhignaa sidan:-

“Anaga oo ah Guddida Fulinta ee Dan iyo Duco ee Gobolka Saaxil kuna saxeexan hoos, waxay si cad u beeninayaan  Baaqa ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya  Cadadkiisii 5370, kuna Taariikhaysnaa 17/2/2014  iyo Warbaahin  kale, Baaqaas meel badan taabanaya.

Waxaanu haddaba cadaynaynaa in uu baqaasi ahaa Been-abuur   aan  Dan iyo Duco ka soo bixi, waxaanan ka doonaynaa Warbaahinta Qortay  Baaqaasi Been-abuurka ah inay keenaan Cadayntiisa”

Magacayadda  Guddida Dan iyo Duco ee Baaqan soo saaray waxa  kala yihiin sidan:-

1- Muuse Xirsi Abokor (Muuse-Dalab) Guddoomiye

2-  Maxamed Cabdilaahi Mirre

3-   Chief Caaqil Axmed Caaqil Yare

4-  Saleebaan Jaamac Jibiril  (Saleebaan-Mijir)

5- Jaamac Rooble Xirsi (Birqaab).

 

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net