Guddida Cadaaladda Qaranka oo shaqadii ka joojiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa

Hargaysa (SLpost)- Guddoomiyihii Makmadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa ayaa xilkii laga qaaday ka dib wareegto shaqo-ka-joojin ah oo uu soo saaray wasiirka Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ka dib go’aan ka soo baxay guddiga caddaaladda oo uu wasiirku madax ka yahay.

Go’aanka xil-ka-qaadista Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarrada Caddaalada Somaliland kaas oo u qornaa sidan: “Wasaarada Cadaallada iyo Garsoorku iyadoo cuskanaysa Qodobka 106-aad ee dastuurrka qaranka oo qeexaya in Wasaaradda caddaaladdu u xilsaaran tahay fulinta Go’aamada Guddida Cadaallada.

Guddida Cadaalladdu markii ay arkeen danta guud ee Caddaaladda ee ay arkeen Qodobada 107, 108 ee Distoorka qaranka.

Markii ay arkeen dood dheer iyo falanqeyna ay ka yeesheen dacwad la xidhiidha Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa oo farro gelin ku sameeyay maxaabiis xukuman oo xadhigii ka iibiyay, dacwaddaasi oo uu u soo gudbiyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland.

Sidaas darteed, waxa Guddida cadaalladdu ay goÂ’aamiyeen qodobadan:-

1)- In laga diiday Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka maamuus ka xayuubintii iyo dacwad ka hor oogidii Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa.

2)- In shaqadii laga saaray Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa, laga bilaabo fadhiggii guddida Cadaalladda oo bishu ahayd 21/08/2011.”

Go’aanka xilka lagaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ayaa noqotay tallaabadii ugu horreysay ee Guddida cadaaladda ee dhawaan la sameeyay ka qaadaan maxkamadaha hoose ee dalka oo iyaga hoos yimaada.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com