Guddi Qaban-qaabo oo loo Xil-saaray Aaska Xoghayihii Guud ee SOLJA oo Maalinta Berri lagu Aasayo Hargeysa.

gudi-qabanqaaboHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa Guddi Qaban-qaabo u magacaabay Aaska Geerida Alle Ha u naxariistee Xoghayihii Guud ee SOLJA Maxamed Raashid Muxumed Faarax oo Xalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Nairobi, kaas oo maalinta Berri ah Aas Qoran loogu samayn doono Xabaalaha Xeedho ee duleedka magaalada Hargeysa.

Meydka Marxuumka, ayaa maalinta Berri laga soo qaadi doonaa dalka Kenya, iyada oo magaalada Hargeysa la keeni doono Abbaaro 11 Duhurnimo.

Guddoomiyaha SOLJA oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah hoggaankii hore iyo hoggaanka cusub ee SOLJA oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa ay bahda saxaafadda Somaliland ka tacsiyeeyeen Geerida Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Xubnaha Guddiga loo xil-saaray Qaban-qaabada Aaska Marxuumka

  1. Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi jaamac (Xuuto)
  2. Guddomiyihii Hore ee SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf
  3. Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Sheekh
  4. Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Khadar Cali Gaas
  5. Xukun Saleeban Jirde.
  6. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
  7. Mawliid Maxamed Shaqale

SOMALILANDPOST.NET