Guddi ka socota Guurtida Oo Ka Warbixiyay Wajiga 2aad Ee Xal u helida Xiisaddii Xariirad

Borama (SLpost)-Waxa maagalada Boorama maanta soo gaadhay wafti ka socda golaha Guurtida oo u xil saaran xalinta shaqaaqadii ka dhacday degaanka Xariirad, waftigan oo ku sii jeeda dhicana Xariirad ayaa ka waramay ujeedada safarkooda iyo halka ay marayso hawshii baadigoobka nabada ee degaanka Xariirad.

Gudoomiyaha gudidan Xildhibaab Cumar Nuur Waaye oo ka hadalay halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan u soconaa Xariirad, waxana aan nahay gudidii golaha guurtida ka socotay eek u hawlanayd daminta shaqaaqadii ka dhacday Xariirad, degaakaasi hore ayaan uga hawl xukunona waan ka ridnay ku dul dhacay labada dhinacba, sidaas aawadeed waxa aan u tagaynaa in qaybtii ugu horaysay ee xukunka oo ah Jufo & Qasiraad inaan u kala qaadno beelahaasi, waxana ka dambayn doona laba qaybood oo kale oo xukun ah oo iyagana loo iman doono markooda”

guurtida-xariirad

XIldhibaan Waaye waxa kala oo uu ka waramay inta xukun ee ka dhacay Xariirad iyo waxa ay salka ku hayaan waxana uu yidhi “ 12 dhacdo ayay ahayd waxa la isku sheegtay oo aanu xukuno ka gaadhnay midba meel aan dhignayba, laakiin magta la kala qaadayo waa 6 xibnood oo ay gabadhi ku jirto, waxana magtoodii maanta la kala qaadayaa qaybtoodii u horaysay oo labada dhinacba ah, waxana aan ku rajo waynahay in dhibtii halkaasi ka dhacday guul laga gaadho oo aanay wax dambe halkaasi ka dhicin”

Si kastaba ha ahaatee golaha guurtida ayay taariikhdu ka marag kacday inay noqdaan kuwii ugu horeeyay ee deegaanka Xariirad mashaqadaasi ka dhacday xal nabada u ehel ah ka dhaliya, waxana ay golaha guurtidu Xariirad tageen iyada oo beelaha degaankaasi uu u dhexeeyo khad cagaaran oo kala qaybiya, maantana waxa ay suura galiyeen in nabadi degaankaasi ka islaaxdo”.

Somalilandpost.net

Hargaysa