Guddi Farsamo Oo Lagu Magacaabay Shir Ay Siddeed wasaaraddood Iyo Dawladdaha Hoose Ee Dalku Yeesheen

Hargeysa, (SLP)- Kulan dib loogu eegayo maamul daadejinta adeegyada bulshada Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland, waxaana kulankaas ka qaybgalay siddeeda wasaaraddood ee wada-shaqaynta la leh dawladdaha hoose ee Somaliland.

Kulankaasi markii uu idlaaday waxa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii lagaga wada-hadlay iyo qodobbadii kasoo baxay maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa.

Ugu horeyn maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Caga-weyne oo ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Shirkani wuxuu ahaa shir lagaga hadlayay arrimo farsamo, waxaana la sameeyay guddi farsamo oo saddex dhinac ah, waxaanu ka hoos shaqaynayaa guddidii caadiga ahayd ee maamul daadejinta ee uu guddoomiyaha u ahaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, kuwaasoo ka kooban dawladdaha hoose iyo siddeed wasaaraddood

Somalilandpost.net