GORGORKII DABAYSHADAY! Jiifto uu Abwaan Yuusuf Shaacir ugu Baroor-diiqayo Marxuum Gaarriye

Cabdiyow gubtahanyada,

Ama gooha dhiillada,

Ama galawga haaddiyo,

Gambaxoorka qaylada,

Gellimaad colaaddiyo

Sidaan guluf ku sara kacay,

Garashadu illaa xalay,

Gebidhaca dareenkiyo

Gooraanka taahiyo

Gurxan lagu caweeyiyo

Gamashiga tibaaxdiyo

Geeraarka murugada

Gama’diidka lahashada

Gabay iyo tilmaantii

Godolkiyo  haloosiga

Adigaa gorfeyntiyo

Gaaxdeeda maalee

Guddoonkeeda iga qabo!

Gabbal dhacayba waa beri,

Guumeys dhawaaqdiyo

Guuguule igu ciyay

Saadaal gurracan iyo

Gacmo-daalis maahee

Gabayooxa dhaxantiyo

Gocashada i haysaa

Waa aqoonta guurtiyo

Gorgorkaa dabayshaday!

Goloskiyo Halyeygii

Ama goroy-haldhaagii

Gucummaale aarkii

Gurxankiyo haloosiga

Xaajada gunteediyo

Gardeedkeeda hanan jiray

Galladdiyo aqoontii

Gaaweheedu buuxiyo

Ganey-ow aftahankii

Guubaabadiisiyo

Gudbin jiray dareenkee

Wadnihiisu galawdiyo

Gabbashada necbaaye

Gol-daloolo hoosiyo

Qabyo iga gufayn jiray!

Gudcurkiyo Hadraawow,

Habeen gawre-dhaxameed

Gabbalkiisu igu dumay

Gobka iyo madheedhkii

Gabbalaha cadceeddiyo

Dayax guudka joogoo

Geyigeenna nuuriyo

Gadhwadeenka noqon jiray;

Gocashada xanuunka leh

Waxaan uga gol leeyahay,

Galladdiyo libaax baa

Ninka ganay ogaadoo

Geed jooge waayeel

Waa yaqaan gartiisoo

Nin hadduu abaal galo

Gobi waa ta celisee;

Gurmadkiyo dedaalkaad

Afka ugu gargaartoo

Gaarriyow barbaartaad

Garaadkooda korisoo

Maansada gun iyo baar

Adigaa gardaadshoo

Garashada aqoontaad

Gaawaha u culatoo

Geyigiyo dhulkaagaad

Tacab door ah gelisoo

Gudintiyo hangoolkaad

Garab-saar ka dhigatoo

Gobaad iyo hal dihin baad

Maatada u godoshoo

Gurgurshaaga awrka ah

Gibishaad u saartoo

Biciid goonni-daaqiyo

Gool baad u legaddee;

Hoobaan is gaadhiyo

Midho wada guduutoo

Laamaha gandoodshiyo

Gacaltooyo sharafliyo

Xariir laysku gaafiyo

Adaa guurti waayeel

U go’aanshay taladoo

Golahana war kaga tegay!

Gaashaandhiggaagii

Inkastaanan gaadhayn

Misna gogol-dhiggaagiyo

Gabi maynno taadii

Geeddigaad horseed iyo

Guddoonkaagi noo qoran

Goblan baa xijaabtee

Garashada xusuustiyo

Taariikhda guunka ah

Waxaad Gaarriyow tahay

Nimaan gelin ka bixi karin!

Magacaagu guul iyo

Waa astaanta gobannimo

Gudbay oo ka jeedladay

Goodaadshay maansada

Weli maan gunaanadin

Geeraarna way hadhay;

Haddii gabawgu baaqsado

Geeri baan wax deynayn!

Gammuutiyo Salaan iyo

Godkii Faarax Nuur iyo

Gudbantii Darwiishkiyo

Abwaankii Gahayriyo

Geeraarki Haabiil

Goolaaftankii Dhuux

Guddoonkii Qamaam iyo

Geed-joogayaashii

Hadduu galab-carraabaha

Gaarriye ka daba tegay,

Gole iyo shir lays wacay

Geesigii ka maqan yahay,

Goblan talo adduunyooy!

Godka iyo xabaashiyo

Geeridu xaq weeyee

Geeddiga hayaankiyo

Galladdiyo aqoontuu

Geyigeenna kaga tegay

Intuu geed hadh weyn iyo

Damal gaafan beeree

Goonyaha u kala fiday,

Gudgudaha hillaaciyo

Inta uu gal buuxshee

Gacalkuna ku doogsaday,

Gelbiskiyo wacdarihii

Suugaanta guudkiyo

Gonduhuu ka dhayi jiray,

Bidhaantiisa guurtiyo,

Inkastoo god lagu riday;

Geyaankiyo barbaartiyo

In-dheer-garatadeenniyo

Gabannada carruurtaa,

Gaaxduu dabooliyo,

Ganuunkiisi way shuban!

Goobaha aqoontiyo

Guryahaa ku naalloon,

Golihii aftahankiyo

Gabay iyo xus buu geli,

Gaashaanka noloshiyo

Halhays guuna buu noqon!

Tixda aan gunaanado,

Ducadana aan guud sudho,

Allahayow go’ sharafliyo

Gogoshii Naciimiyo

Godka nuur san uga yeel!

Naxariista Guullow

Adaa gaar u sheegtee,

Galladdaada Eebbow

Jannadii ku gaadhsii!

Gacankii Fardawsiyo,

Guryo lagu negaadaad,

Guullow tilmaantee,

Gargaarkaaga Eebbow

Gaarriye ku taageer!

Gubashada cadaabtiyo

Guulguulka naareed,

Allahayow gankiisiyo,

Hilbihiisa haw geyn!

Gef hadduu sameeyiyo

Haddii uu gabbood falay

Guud iyo dulqaad baad

Guullow ka hodantee

Dembi-dhaaf gun iyo baar

Marxuumkaas guddoonsii;

Baryadaada Guullow

Gacmahaannu taagnee

Ducadaasna gaadhsii!

Aammiin… Aammiin!

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf-Shaacir)

Email: samulad1@yahoo.com