Goobaha loo Asteeyey Kaadh-qaybinta Gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Togdheer oo Maalmo Dheeraad ah lagu daray

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Dooraashooyinka Somaliland, ayaa Toddoba maalmood oo dheeraad ah ku daray Kaadh-qaadashada Codbixiyeyaasha ee gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Togdheer, kaddib markii ay soo gebo-gaboobeen saddex maalmood oo loogu talo-galay kaadh-qaybta saddexda gobol.

Hawl-wadeennada Kaadh-qaybinta ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ka sii qayb-gali doona goobo cayiman oo loogu talo-galay in hawsha kaadh-qaybintu ka sii socoto inta u dhaxaysa 04-ta bisha ilaa 10-ka bisha April.

Shaxda Hoose kaga bogo Goobaha loo cayimay ee hawsha kaadh-bixintu ka sii socon doonto gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

Gobolka Maroodijeex, waxa ay Hawsha Kaadh-qaybintu ka sii socon doontaa goobo cayiman oo ku yaalla Degmooyinka gudaha iyo Nawaaxiga Caasimadda Hargeysa, Balligubadle, Alleybaday, Sallaxley iyo Wajaale.

 

Gobolka Awdal, waxa ay hawsha kaadh-bixintu ka sii socon doontaa goobo Cayiman oo ku yaalla degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, iyo Saylac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net