Gole-weynaha Baarlamanka Somaliland oo ogolaaday in laga qayb-galo shirka London, wax-ka-beddelna ku sameeyey Xeer hore u jiray

Hargeysa, 05 Feb, 2012 (Ogaal)- Golayaasha labada aqal ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si aqlabiyad ah ku ogolaaday in xukuumaddu ka qayb-gasho shirka Soomaalida ee magaalada London isla markaana wax-ka-beddel ku sameeyey xeer hore goluhu u ansixiyey kaas oo dhigayey in qof metelaya Somaliland aanu ka qayb-gali karin shir Soomaalida loo qabanayo.

Kulankan ay maanta isugu yimaadden labada aqal ee Baarlamanka Somaliland oo uu shir-guddoominayey guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa ka soo qayb-galay 109 xildhibaan oo ka mid ah 164 xubnood ee labada aqal ee Wakiillada iyo Guurtida.

Kulankan oo ay xildhibaannadu kaga doodeen isla markaana ku falan-qeeyeen wax-ka-beddel lagu sameeyo xeer hore Baarlamanku u ansixiyey kaas oo Somaliland ka dabrayey inay ka qayb-gasho shirarka Soomalida, waxa ay ugu dambayntii isla garteen in Dawladdu ka qayb-gasho iyadoo halkaas cod gacan-taag ah xildhibaannadu ku ansixiyeen. Wax ka beddelka xeerkan waxa ogolaaday 101 xildhibaan, waxa diiday saddex xildhibaan, waxaana ka aamusay afar xildhibaan guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasna waxa ku ansaxay Xeerkan ogolaanaya inay Somaliland ka qayb-gasho shir kasta oo Soomaalida loo qabanayo isla markaana dan ugu jirto Somaliland

Qabsoomidda Kulankan ee maanta ayaa ku yimi ka dib markii madaxweynuhu shalay kulan qado xildhibaannada labada gole kula yeeshay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu ka dalbaday golayaasha inay wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeer Sannadkii 2004tii Golihii Wakiillada ee wakhtigaas uu ansixiyey kaas oo qof kasta oo sita magaca Somaliland dambiile ka dhigayey ka-qayb galka shirarka Kooxaha Soomaliya loo qabanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Golayaasha sharci-dejinta iyo fulinta ee dawladda Somaliland ayaa tan iyo markii uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo talada qabtay u muuqda kuwo wada-shaqayntoodu aad isugu dhawdahay, iyada oo la odhan karo Golayaasha Baarlamanka, gaar ahaan Wakiillada iyo Xukuumadda Siilaanyo waxay isula jaan-qaadeen si ka fiican sidii Xukuumadihii hore ay u wada shaqayn jireen, iyada oo ay mararka qaar taasi lumiso masuuliyaddii iyo waajibaadka looga baahan yahay golahaas, waxaanay dadka arrimaha siyaasadda iyo shuruucda gorfeeyaa qaarkood tilmaamaan inay Xukuumadda iyo Goloyaasha kale ee Qaranku isku milmeen.

Hase ahaatee, tallaabadan maanta la qaaday waxay dad badani u arkaan inay tahay mid ay mar horeba Somaliland u baahnayd, iyada oo Xeerka wax-ka-beddelka lagu sameeyay Xukuumadihii hore ku noqday dabar ay ka tallaabsan waayeen, isla markaana uu sii fogaaday aqoonsiga iyo taageerada siyaasadeed ee ay Somaliland uga baahan tahay caalamka oo inta badan marka laga hadlayo qaddiyadda Somaliland dib ugu soo celiya Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd intii u dhaxaysay 1960-kii ilaa 1991kii

Waxaanay dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ahi soo dhawayn karaan natiijo togan ama tabnaan karta oo laga gaadho gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, haddiiba si saraaxad leh Somaliland ay Soomaaliya uga dhammaysato arrimeheeda caalamku ku soo riixo inay kaga xidhan yihiin dalkii ay hore uga mid ahaan jirtay.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net