Gole-geyntu Waa Guusha Siyaasadda Dibada Somaliland – FAALLO Wariye Cumar Faarax

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 27-kii July 2010 markii uu la wareegay tallada dalka oo uu u soo galay kifaax dheer iyo juhdi siyaasiya, ka dib waxa uu ILAAHAY ku ilhaamiyay inuu si geesinimo leh  ku waajaho siyaasadda dibada Somaliland oo ligaysay isla markaana maraysay heer huursan oo aanay fagaareyaasha adduunka si rasmi ah loo horgeynin.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu abuuray siyaasad fur-furan oo qeyb ka ah yoolkiisa ku wajahan in la iib-geeyo qaranimadda Somaliland oo uu aaminsanaa inay xukuumadiisu ku filan tahay inay difaacdo Madax-banaanida Somaliland.

slvs soXiligaas xukuumadiisu cusbayd waxa xarakaadkii faraha badnaa ee laga sameeyay  siyaasadda dibadu ay shaki ku abuurtay dad badan oo ka soo saaray aragti taban oo ah in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay haadaan dheer ka sii tuurayso madax-banaanida Somaliland. Hase yeeshee waxay qaatay muddo in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay rayul caamka Somaliland baraan in maslaxadi ugu jirto inay la hadlaan Somalia.

Qodobadii Somaliland lagula Soo dhici waayay

Weftigii  xulka qaranka ee uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, waxay  shalay beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba u xaqiijiyeen inay leeyihiin awood adag oo ay ku difaaci karaan madax-banaanida Somaliland.

A)     Waxay  dawlada Ankara  ee gogosha dhigtay ay xog iyo macluumaad dheeraad ah ka siiyeen israacii lixdankii  iyo Himiladii dheerayd ee ay  shacbiga Somaliland dhiigooda u hureen inay mideeyaan shantii Soomaaliyeed, abaal ka dhicii Soomaaliya, xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay dalka, sooyaalkii halgankii dib u xoraynta dalka, la soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, dhismihii qaranka iyo heerka maanta Somaliland gaadhay.

B)      Waxa weftiga madaxweynuhu ay Taariikhda Somaliland dhacsiiyeen Hoggaamiyeyaasha Turkiga sida madaxweynaha dalkaasi Abdullah Gül iyo Raysal wasaarihiisa Recep Tayyip Erdogan oo aan horeba xog baaxad leh aan ka haysay Somaliland iyo maraaxilkii ay u soo martay qaranimadii ay ka hor-heshay Soomaaliya iyo 22 sanadood oo Soomaaliya dambaska ahayd oo ay  noqotay laambad ka bidhaamaysa mandaqad dogob colaadeed ka aloosan yahay

C)      Warbixinta dheer ee Madaxweynuhu siiyay Hoggaamiyeyaasha Turkiga waxay fure u noqotay in lagu dhiiran waayo in badka la soo dhigo wixii la odhan jiray midnimadii Soomaaliya.

D)     Bogga Internet-ka ee Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül  ayaa warbixin uu ka qoray kulankii uu Axaddii la yeeshay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku micneeyeen in is af-garadkii  u horeeyay laga sameeyay siday hadalka u dhigeen “xalinta dhibaatooyinka u dhaxeeya labadan dal ee Afrikaanka ah.”

E)      Dawladda Turkiga oo ah dalkii sadexaad ee is hor-fadhiisiya Somaliland iyo Soomaaliya, waxay yaqiinsadeen in qadiyada labadan dhinac aanay ahayn mid u dhaxaysa hal dal oo qudha balse ay tahay laba dal oo kala duwan wada hadaladooduna ay u dhaci doonaan hadda iyo mustaqbalkaba iyagoo laba dawladood kala ah.

F)      Waxa waaqica dhabta ahi waxa uu sababay in Dawladda Muqdisho ee Soomaaliya ay candhuuftooda dib uga liqaan inay dood ka keenaan aragtida caalamka ee ah in loo wada hadlo laba geesood ama laba dawladood.

Ahmiyadii Qodobbadii Heshiiska

Wada hadalada ay Ankara ay ku yeesheen Hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ahaayeen qaar, laga taxadaray caqabad kasta oo tumaatiyi karaysay in miiska lagu kala kaco.waxase labada dal ay ku heshiiyeen heshiis ka kooban todoba qodob oo dulucdoodu la xidhiidhay in la sii wado wada xaajoodka iyo in albaabada loo furo iskaashi ay labada dawladood ka sameeyaan  dhibaatooyinka ka taagan mandaqadda ay ku wada dhaqan yihiin iyo inay abuuraan  jawi ay ku wadaagayaan deeqaha qaadhaan-bixiyeyaasha.

Qodobadan qalinka lagu duugay waxa xeel-dheereyaasha odorosa siyaasadu ay ku doodeen inaanu ku jirin heshiiskan Ankara qodobo cusub. Hase ahaatee ay tahay uun kulankii u horeeyay ee ay yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya tan iyo markii dawlada cusubi ka dhalatay Muqdishada Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxa guul u ah inay garnaqsigeedii iyo xaqa ay u leedahay madax-banaanideeda ay hor-dhigtay Hoggaamiyeyaal miisaan ku leh caalamka, kana mid ah daneeyeyaasha mandaqada Geeska Arika oo Somaliland iyo Soomaaliyaba ku yaalaan.

Weftiga madaxweynuhu waxay indhaha u fureen oo ay qodob-qodob ugu warameen   Madaxweyne  Gül iyo Raysal wasaare  Erdogan, taasina waxay  dhabada u xaadhaysaa in Turkigu ka fikiro sidii uu wax ula qabsan lahaa Somaliland oo nabad-gelyadda iyo horumarka ku tanaaday, halka dalka Soomaaliya oo ay si naxariis leh u gacan qabteenna ay xukuumadda Muqdisho tahli wayday inay ku guntato sugida ammaanka  dublamaasiyiinta Turkiga, iyadoo la xaqiijiyay Axadii maanta laba hawl-wadeen oo ka tirsan safaaradda Turkiga ay   ku dhinteen qarax ka dhacay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidaasi darteed, waxay Somaliland go’aansatay in qadiyadda aqoonsi raadinta lagu gaadhi Karin siyaasad ka go’doonsan caalamka, balse ay u baahan tahay dhiiranaan iyo in laga dhigo mawduuc siyaasiya oo adduunku taxliil ku sameeyo, kana doodo.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com