Golaha wasiirradda Somaliland Oo Dood ka yeeshay Arrinta Saami-Qaybsiga Kuraasida Wakiillada Iyo Diyaar-Garowga Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Kal-fadhigii 28-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2019, waxa lagaga dooday arrinta saami-qaybsiga kuraasta wakiillada iyo diyaar-garowga doorashooyinka, sidoo kale waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, kuwaas oo ka warb-bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahaas.

 Golaha wasiirada (1)

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood-dheer ka yeesheen, saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilladda Somaliland, waxaana doodaasi diiradda lagu saaray sidii saamiga wakiilada looga gun-gaadhi lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu u saaray  xubno guddi golaha wasiirada ah oo ka soo talo bixiya, inkasta oo ay arrinta saami-qaybsiga wakiilladu hortaallo golaha wakiilladda ee wakhigan fadhiya.

 

 Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caddeeyeen inay xukuumad ahaan   ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka oo xilligooda ku dhaca.