Golaha Wasiirrada Somaliland oo Shir aan Caadi ka yeeshay Dhawaaq ka soo yeedhay Mucaaradka oo jiif iyo joogba u diiday

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somlailand, ayaa maanta Fadhi aan Caadi ahayn oo uu shir-guddoonayey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ku yeeshay xarunta madaxtooyada, kaas oo lagaga dooday isla markaana lagu ansixiyey mid ka mid ah tiirarka aasaaska u ah diyaar-garowga doorashooyinka madaxtooyada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka soo socda.

Golaha_Wasiirada_Fadhiga ay Golaha Wasiirrad maanta isugu yimaadden, ayaa lagaga dooday isla markaana lagu meel-mariyey Xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Codbixiyeyaasha, kaas oo ay golaha Wasiirrada horkeenneen guddi Wasiirro ah oo loo xil-saaray diyaarinta Xeerka iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Shirka ay golaha Xukuumaddu isugu yimaaddeen, ayaa jawaab deg-deg ah u noqonayso baaq ka soo yeedhay axsaabta mucaaradka ah oo todobaadkan si wada-jir ah u saxeexay Heshiis dhigaya in dalka laga hirgeliyo xukuumad ku-meel-gaadh ah haddii xukuumadda Kulmiye ku guul-darraystay inay doorashooyinka ku qabato xilligeeda, kaas oo fadhi iyo sare-joogba u diiday xukuumadda iyo xisbigooda oo maalintii xigtay jawaab ka bixiyey dhawaaqa mucaaradka.

HALKAN KA DHEGAYSO