Golaha Wasiirrada Somaliland oo Golaha Wakiillada u gudbiyey Qoraal ay ku meel-marsanayaan in Mushaharkooda loo laban-laabo

Hargeysa, 11 February, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa qoraal codsi ah u gudbisay Shirguddoonka Golaha wakiillada Somaliland kadib markii ay Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo shir ay Khamiistii todobaadkii hore iskugu yimaadeen ay ku mee-lmariyeen qoraalkaas.

Shirkii toddobaadkii hore ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne-siilaanyo  ayaa lagu ansixiyey korodhka Mushaharka Wasiirrada iyo Gunooyin cusub oo ay isku kordhiyeen, waxaanay Go’aamiyeen in Mushaharka Wasiirrada laga dhigo Kun iyo Saddex Boqol oo Doollar, halka ay markii hore qaadan jireen Lix Boqol oo Doollar, waxaana arrintaas lagu baas-gareeyey shirkii u dambeeyey ee ay yeeshaan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Ma jiro war rasmiya oo tafaasiil cad ka bixinaya korodhka ay Golaha wasiirrada ku sameeyeen Mushaharkooda iyo Gunooyin cusub oo ay ugu dareen Agaasimeyaasha guud ee Wasaarradaha dalka, taasoo la sheegay inay u gudbiyeen Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, hase yeeshee Ilo wareedyo madax-banaan oo ay Shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews arrintaas ka waraysatay ayaa tibaaxay in Qoraal ay Xukuumaddu u gudbisay Shirguddoonka Wakiillada, kaasoo ay shaaciyeen inuu ku saabsan yahay Korodhka ay Golaha wasiirradu ku sameeyeen Mushaharooyinkooda iyo Gunooyin ay ugu dareen Agaasimeyaasha guud ee Wasaarradaha dalka, taasoo ay sheegeen inuu  xaddigeedu dhan yahay Shan Boqol oo Doollar.