Golaha Wakiillada Somaliland oo Digniin u Jeediyey Shirkadaha Korontada

Hargeysa (SLpost)- Guddi-hoosaadka Kheyraadka Dabiiciga ah, Deegaanka iyo Tamarta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay hadallo hanjabaad u muuqday oo dhawaan ka soo yeedhay Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee dalka.

Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee dalka, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay hakinayaan adeegga korontada ee ay siiyaan maxaamiisha kaddib markii xukuumaddu soo saartay go’aan ay ku burisay qiimo-korodh dadweynuhu ka biyo-diideen oo shirkadaha Korontadu ku soo dallaceen macamiisha.

Shirkadaha ayaa bilowgii bishan June $0.34 ku kordhiyey qiimaha korontada Halkii Unit oo markii ahaa $0.50 haseyeeshe waxa go’aankaas hakiyey komishanka Tamarta ee Qaranka, waxaana kulan dhexmaray Masuuliyiinta shirkadaha iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Somaliland kaddib la go’aamiyey in qiimihii hore ee Korontada lagu kordhiyo $0.10 sidaasna uu qiimaha Halka Unite ee Korontada ahi ku noqdo $0.60 iyadoo la tixgelinayo korodhka ku yimi qiimaha Shidaalka ee Caalamka.

“Arrintii maalintii dhawayd ku dhawaaqeen shirkaduhu ee ahayd inay joojinayaan korontadu, waa sharci-darro, goluhuna go’aan buu ka yeelanayaa. Korontada waxa iska leh Qaranka, iyagu lacag bay qaataan, xaq uma laha inay siday doonaan ka yeelaan,” sidaas ayay yidhaahdeen Guddiga kheyraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Guddiga oo Arrimahan ka hadlay

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net