Golaha Wakiillada Somaliland oo Buriyey Heshiis Dhexmaray Saddexda Xisbi Qaran iyo Doodda Mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa laalay Mooshin lagu dalbanayey in Wax ka beddel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Goleyaasha deegaanka, xeerkaasi oo sababta wax looga beddelayey ahayd in 2 xubnood oo cusub lagu daro komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo hadda tiradoodu tahay 7 Xubnood.

 

La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Somaliland, Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo hore loogu gudbiyey inuu eego in Mooshinkani Xeer-hoosaadka Golaha waafaqsan yahay, ayaa Maanta sheegay inaanu Mooshinkaasi waafaqsanayn Xeer-hoosaadka Golaha, sidaasi darteedna uu jabay oo uu Sharci-darro yahay.