Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Xeer Xaasaasi ah

Hargeysa (SLpost)- Golaha wakiiladda Somaliland  ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir-gudoominayey gudoomiye-ku- xigeenka kowaad Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa Goluhu waxa uu cod aqlabiyad ah  ku ansixiyey  xeerka sir-doonka Qaranka, xeer No,59/2012.

Fadhiga saaka oo ay soo xaadireen 42-Mudane  waxa ansixinta xeerkaasi Ogolaaday  34 mudane,waxaa diiday shan xil-dhibaan, waxa ka  aamusay laba mudane, Gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasina waxa ku ansaxay  xeerka sirdoonka Qaranka  JSLand  xeer No, 59/2012.

Sida la og-yahay xeerka sirdoonka Qaranku wuxuu muddooyinkii u danbeeyey  hor yaalay  golaha wakiilada Somaliland, an-sixintiisuna  waxay dhabbaha u xaadhaysaa,  madax-banaanida  hay’adda sir-doonka Qaranka.

SomalilandPost/Hargeysa