Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyaddii ugu Badneyd Abid iyo Guddoomiyaha Golaha oo mudaneyaasha ku wargeliyey Fasax Todobaaddo ah

Hargeysa, 03 April, 2012 (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyaddii ugu tirada badneyn abid taariikhda Somaliland taas oo 23% ka badan miisaaniyaddii sannadkii hore.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu Shir-guddoominayay Gudoomiyaha Aqalkaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ka hor intii aan la gudo-gelin ansixinta Miisaaniyadda, Guddoomiyaha Goluhu waxa uu mudaneyaasha u jeediyey qodobbo dhowr ah kuwaas ay ka mid ahaayeen

  • Markii la eegay qodobka 53/54/55 waxaa golaha u muuqday inaan xukuumadu wada fulin soo jeedimahii sanadkii hore ee golaha ee ku saabsanaa miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2011, gaar ahaan hawshii soo dhamaystirkii shuruucda Hay’adahii ay xukuumaddu abuurtay.
  • Waxaa kaloo golaha u muuqday in Xukuumaddu aanay hore u soo gudbin miisaaniyadda sanadka, sidaas darted waxaa goluhu u soo jeedinayaa Xukuumadda in hadda ka dib miisaaniyadda sanadka la keeno Bisha Decenbar ama bisha janaury.
  •  In markii la tixgeliyey soo jeedimaha Dooda hufan ee Golahu ka yeeshay Miisaaniyada 2012.
  • Markaanu tixgelinay in lagu jiro bisha afraad ee sanadka. Waxaa goluhu iclaamiyey in la gudagalo ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2012 oo cadadkeedu yahay Sideed boqol Sideetan iyo Lix Bilyan, afar boqol sagaashan iyo Lix Milyan, Shan boqol labaatan iyo sagaal kun sagaal boql iyo Sideetan Shiling Somaliland oo u dhiganta boqol iyo  Afartan iyo Todoba  Milyan, Todoba boqol afartan iyo sagaal kun afar boqol iyo labo iyo labaatan Doollar.

Intaa ka dib, Mudaneyaasu waxay gudo-galeen ansixinta miisaaniyada iyada oo ay Golaha ka soo xaadireen 57 Mudane. Waxaana ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2012 ogolaaday 37 xildhibaan, halka ay ka qaaddaceen 19 xildhibaan, 1 mudane wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanay ku ansaxday Miisaaniyadda sannadkan oo dhan 639,369,240,470 taas oo 23.19%,  ka badan tii hore waxaana ku jira mashaariic horumarineed oo ku wajahan addeegyadda bulshadda gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashadda, waxaanu dhaqan-galkeedu ka bilaabmi doonaa marka uu madaxweynuhu Saxeexo.

Gebagebadii fadhigaasi Gudoomiyaha Goluhu wuxuu iclaamiyey in goluhu gelayo fasax muddo sideed Todobaad ah oo ka bilaabmaya Maalinta berrito ee Arbacada ah.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland