Golaha Wakiillada oo u yeedhaya Wasiirka Maaliyadda oo ay ka biyo-diideen go’aan uu soo saaray

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shaaciyey inay u yeedhayaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, isla markaana ay wax ka weydiin doonaan Lacag ay sharci-darro ku tilmaameen oo lagu soo rogay gaadiidleyda, taas oo la xidhiidha beddelka sumadda Gaadhiga.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa todobaadkan shaacisay go’aan ay lagu beddelayo taarikada gaadiidka kaddib markii ay xukuumaddu soo daabacday taariko cusub oo ka duwan tii hore, waxaanay wasaaraddu ku soo rogtay gaadiidleyda inay muddo saddex bilood gudahood ah ku beddeshaan lambarrada gaadiidkooda iyadoo tacriifadda lacagta lagu beddelayo ay tahay mid xad-dhaaf ah oo ugu badnaan gaadhaysa Hal Milyan oo Shilinka Somaliland.

Haddaba, Guddi-hoosaadkda Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo saxaafadda la hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay lacagta lagu soo rogey beddelka taarikada gaadiidka, waxaanay u soo jeediyeen wasaaradda maaliyadda inay dib ugu noqoto isla markaana hoos u dhigto khidmadda loo qorsheeyey beddelka lambarrada gaadiidka.

xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiillada oo maanta u warramay telefishanka HCTV, ayaa sharci-darro ku tilmaamay lacagta ay wasaaraddu soo rogtay, waxaanu sheegay inay Gole ahaan u yeedhi doonaan wasiirka si ay wax uga weydiiyaan lacagtaas.

FAAHFAAHINTA WARKAN, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE
https://www.youtube.com/watch?v=02HPupCBifI