Golaha Wakiillada oo Nus Bilyan SLSH ah ku wareejiyey Guddiga Heer Qaran ee Abaaraha

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa qaddar lacageed oo dhan Nus Bilyan Shilin oo ay mushaharkooda ka jareen ku wareejiyey guddida Taakuleynta Abaaraha ka jira gobollada Bari ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxmed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isagoo ka wakiil ah Xildhibaannada iyo Shaqaalaha kale ee Golaha waxa uu lacagta taakuleynta ah oo dhan Afar Boqol iyo Laba iyo Sagaashan Milyan oo Shilin (492,000,000 SLsh) oo laga jaray musharaadka shaqaale-weynaha Golaha ku wareejiyey Guddida abaaraha heer qaran ee Somaliland.

ciro-gudiga-abaarahaMunaasib kooban oo ay taakuladan lacageed kula kala wareegayeen labada dhinac oo saaka ka dhacday xarunta Aqalka Wakiilada, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Abaaraha heer qaran, Wasiirka Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland iyo sidoo kale xubno ka mid ah guddida heer qaran ee abaaraha Somaliland.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka gole ahaan ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb-qaataan qaadhaanka lagu taakulaynayo dadka dhibbaateysan ee abaarahu saameeyeen.

“Aniga oo ka wakiil ah Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu halkan maanta ku guddoonsiinaynaa qaadhaan ay iska jareen xildhibbaanada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay kaga qeyb-galayaan gurmadka walaalahood abaartu tabaalaysay ee dhammaan goballada Jamhuuriyadda Somaliland, qaadhaankaas oo dhan Afar boqol iyo Laba iyo Sagaashan Milyan oo Shilinka Somaliland ah. Waxa aniga oo ka Wakiil ah golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, aan guddoonsiinayaa guddiga abaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee heer Qaran lacagtaas ay bixiyeen xildhibbaanada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

cirroGuddoomiye ku xigeenka guddida abaaraha heer qaran ee Somaliland Md.Xasan Cabdi Salaan oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo xildhibbaanaddiisa ba sida diiran ee ay iskugu xil qaameen in ay walaalahooda dhibbaateysan ay la wadaagaan abaaraha ba’an ee sida adag u saameeyey.

“Annaga oo ah guddida abaaraha jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu si weyn uga guddoonay lacagtaas qaadhaanka ah ee uu guddoomiyahu sheegay, waxa aanu lee nahay guddoomiyaha iyo Golaha uu ka wakiilka yahay ba aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin oo Ilaahay ha idin ka abaaliyo , saqaddaas na mid maqbuula ah Alle ha ka dhigo , halka aad ka soo saarteena mid khayr qabta Alle ha idiin ku bedelo, waxa runtii ay dareen ka tahay oo ay muujinaysaa damqashada aad ka lee dihiin dadkiina iyo walaalahiina dhibbaateysan,” Sidaas ayuu yidhi Xasan Cabdi Salaan

Md. Xasan Cabdisalaan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu war war ka muujiyey xaaladda abaareed ee taagan isagoo kaga dhawaajiyey cabsi laga qabo Abaarta oo sii daba-dheeraata maadama lagu jiro bilowga xilliga Jiilaalka. Waxaanu soo jeediyey in talo-qaran oo loo midaysan yahay laga yeesho sidii looga diyaar-garoobi lahaa Abaaraha soo-noqnoqda.

“Waxa aan lee yahay abaarta maanta ina haysaa maaha mid curad ah oo ugub inagu ah, waa mid ina bariisatay oo ina dul fadhiisatay, weli ba ifafaalaha muuqdaana uu u eeg yahay in ay jiitami doonto oo innooga baahan talo, qorshe iyo tabaale wanaagsan oo arrinku aanu maalinta ay wax yimaadaan uun inaga noqon uun in aynu dhiig joojin la orodnee, ay innooga baahan tahay talo ballaadhan,” Sidaas ayuu yidhi Xasan Cabdisalaan.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Innaga oo tii hore harraatideedii la rafanayna ayey tanina innagu dhufatay. Taas hore dadka ay saamasay waxa lagu qiyaasay Malyuun iyo laba boqol iyo afartan qof, abaartan imika taagana iyada oo bilow ah waxa ay maraysaa Malyuun iyo shan boqol, Jiilaalkii na madaxiisii hore ayeynu taagan nahay, haddii aan Alle raxmaadkiisa innoo soo shubina waa ay laban laabmi doontaa o runtii dadku aad bay iskugu bixi doonaan, markaa marka hore aynu Alle xasuusano oo raxmaadkiisa waydiisano, intaa ka dib na aynu walaalaheena dhibbaateysan soo taakuleyno oo qof walba wixii uu kari karo uu ku soo caawiyo.”