Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Wax Ka Beddel lagu sameeyey Xeerka doorasha ee Xeer No. 20

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey afar qodob oo ka mida Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka oo uu ka codsaday Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Golaha oo maanta isugu yimi Fadhi aan caadi ahayn oo isla markaana uu shir-guddoominayey guddoomiyaha Golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Mudaneyaasha u soo jeediyey inay cod u qaadaan wax ka beddelka iyo Kaabista lagu sameeyey afar qodob oo farsamo ahaan ay soo jeediyeen Guddida doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha oo furitaankii fadhigaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi, “Waxa Goluhu ansixiyey wax ka badalka iyo kaabista Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka lifaaqiisa afraad. Madaxweynaha Somaliland lifaaqa afraad wuu saxeexay, waxaanu dhaqan geliyey 15 jully, hase yeeshee iyadoo la tix gelinayo Codsiga Guddida doorashooyinka qaranka oo soo jeediyey in Astaanta lagu badallo Namberka, iyadoo qabsoomida Doorashooyinku ay mihiimad wayn u leedahay hanaanka dimuquraadiyada Somaliland, iyadoo laga fogaanayo caqabad kasta oo doorashada dib u dhigi karta waxa Madaxweynaha Somaliland uu ka dalbaday Golaha wakiillada Somaliland inay iskugu yimaadaan Fadhi aan caadi ahayn si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan Lifaaqa 5aad ee Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka Somaliland,” Ayuu yidhi Guddoomiyaha wakiillada Somaliland.

Haddaba, Mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland oo cod u qaaday lifaaqa 5aad ee Xeerka Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay codbixintoodii u kala dhacday sidan:

37 Mudane ayaa ogolaaday wax ka beddelka lagu sameeyey Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka oo afar qodob ka koobnaaa. Afar Mudane ayaa diidey wax ka beddelka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerka doorashooyinka Somaliland halka 12 Xildhibaan ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay wax ka badalkii lagu sameeyey Xeerka Doorashooyinka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net