Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Xisaab-xidhyada lix Miisaaniyad-sannadeed oo ku baaqday

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xisaab-xidhyada lix miisaaniyad-sannadeed laga soo bilaabo sannadkii 2008-dii ilaa 2013-kii kuwaas oo muddadaasba horyaallay golaha oo ka cago-jiiday dib-u-eegista xisaab-xidhyada oo ah qodob dastuuriya oo xil ka saaran yahay Golaha inay dib u hubiyaan qaabkii loo isticmaalay miisaaniyaddii la ansixiyey.

golahaFadhiga 24aad ee kal-fadhiga 26aad ee Golaha Wakiillada oo mudaneyaashu maanta isugu yimaaddeen, waxa shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka ka soo xaadiray 59 mudane oo ka tirsan 82-ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Mudaneyaasha fadhiga ku sugnaa oo badankoodu ahaayeen xildhibaannada muxaafidka ah, ayaa isla markiiba durduro ku ansixiyey xisaab-xidhyada miisaaniyad-sannadeedyadii 2008 ilaa 2013, waxaana oggolaaday in la ansixiyo 43 mudane, 13 xildhibaan way diideen halka 2 xildhibaanna ay ka aamuseen, guddoomiyuhna ma codeynin, waxaanu shir-guddoonku sidaas ku shaaciyey in aqlabiyadda goluhu sidaas ku ansixiyey lixda xisaab-xidh oo noqonaysa markii u horeysay muddadii goluhu jiray oo dib loo eego xisaab-xidhka miisaaniyadda dawladda.