Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Xeer Muhiimad u leh Ilaalinta Deegaanka iyo Duur-duurjoogta

shugri-baandareHargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay ku meel-mariyey Xeerka Ilaalinta Dhul-daaqsimeedka iyo Duurjoogta oo muddo dhowr bilood ah horyaallay Golaha oo maalmihii u dambeeyey fadhiyadiisu u qaboomi waayeen kooram la’aan.

Fadhiga shalay oo uu shir-gudoominayay ku-xigeenka 1aad ee Golaha Baashe Maxamed Faarax isla markaana ay ka soo xaadireen 47 xildhibaan oo ka mid ah 80-ka Mudane ee golayaashi ka kooban yahay, ayaa mudaneyaashu cod gacan-taag ah ugu qaadeen xeerkan oo wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga u soo gudbisay, waxaana meel-marintiisa ogolaaday 42 mudane, Saddex Mudane way ka soo horjeesteen, hal xildhibaanna wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah, sidaas ayaanu shir-guddoonku ku shaaciyey in xeerkaasi uu ansaxay.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka dareen-celisay meelmarinta Xeerka oo ay muddo ka dhur-sugayeen, ayaa ku tilmaantay guul iyo hiil u soo hoyday ilaalinta Deegaanka. “Madaxweynuhu digreeto ayuu soo saaray uu noogu kaabayo sharcigan, Somaliland deegaankeediina maanta uun buu helay hiil weyn.
SOMALILANDPOST.NET