Golaha Wakiillada oo ansixiyay wax-ka-beddel iyo kaabis ay ku sameeyeen Xeerka Nidaamka Ururrada Siyaasadda

Hargeysa, (SLpost)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland ayay Mudanayaasha Golahaasi si duuduub ah ugu ansixiyeen wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka nidaamka furashada ururrada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada qaranka, xeerkan oo doodiiisu todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka socotay golaha, isla markaana ay mudanayaasha golahaasi ka yeesheen dooddo adag oo ay ku soo jeedinayeen sida ay u arkaan xeerkaas, ayaa fadhigii shalay oo uu gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiialada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay Xildhiaannadu qodob qodob gacan ugu qaadeen.

Lix qodob oo ka mid xeerka nidaamka furashada ururrada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada qaranka oo kaabis iyo wax-ka-bedel lagu sameeyey, ayay Xildhibaannadu ansixiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayasha golaha ku wargaliyey inay si duuduub ah ku ansixiyaan xeerka.
fadhigan shalay ee Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen mudanayaal dhan 45 Xildhibaan 37 xildhibaan waxay ogolaadeen ansixintaa xeerkaas, waxaana diiday 8 xildhibaan cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka nidaamka furashada ururrada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net