Golaha Wakiillada Ogolaaday is-casilaado ay u soo gudbiyeen Labada Guddoomiye kuxigeen ee Golaha, Aqlabiyadna ku Ansixiyey Wasiirka Maaliyadda

Hargeysa, 17 March, 2012 (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa aqblabiyad ku ogolaaday is-casilaado ay soo gudbiyeen Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee golaha Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo guddoomiye kuxigeenkii guddoomiye ku-xigeenkii labaad Md. Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale waxa uu goluhu duuduub ku ansixiyey xilka Wasiirnimo ee Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u magacaabay guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee golaha Wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale. Halka guddoomiye kux-igeenka Labaad uu isaguna isku sharraxayo booska guddoomiye-ku-xigeenka koowaad banneeyey.

Fadhigan maanta ee Golaha wakiillada oo uu Shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa ka soo xaadiray 52 mudane, waxaana ugu horeyn xildhibaannada lagu wargeliyey ajandaha kalfadhiga oo ahaa in marka hore loo codeeyo ogolaanshiyaha is-casilaadaha ay soo gudbiyeen Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha ka dibna la ansixiyo Wasiirka wasaaradda Maaliyadda.

Intaas ka dib, markii loo galay codaynta is-casilaadaha labada guddoomiye ku-xigeen, waxa is-casilaadda Md. Samaale ogolaaday 51 xildhibaan, cid diidday iyo cid ka aamustay midna ka jirin, guddoomiyuhuna ma codayn.

Iscasilaadda uu soo gudbiyey Guddoomiye ku xigeen Baashe Faarax, waxa ogolaaday 47 mudane, waxa ka aamusay Afar mudane, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayay istiqlaaladiisii casiladiisun ku ansaxday.

Markii la ogolaaday iscasilaadaha labada mudane, ayuu guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu Golaha u soo jeediyey in cod loo qaado ansixinta wasiirka maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo  Xoghayaha Goluhu sheegay in Madaxtooyadu golaha u soo gudbisay ansixinta wasiirka Maaliyadda oo qudha,  waxa ogolaaday 50 mudane, hal mudane ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu Cabdicasiis Maxamed Samaale ku noqday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net