Golaha Wakiiladda & Waajibka Ku Shaqeynta Distoorka JSL

..Waxa ku waajiba masuul qaran oo kasta , in uu xilkiisa u fuliyo,  si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale wadanka …..

Waxaa marka hore  waxaan salamayaa dhamaan saxafada Somaliland ee markasta wararka inoo soo gudbisa. , Marka xigtana  shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibadaba , intaa kadib haddii aan u soo noqdo ujeedadayda, waa waayadan buuq iyo muran ka taagnaa golihii sharci-dejinta , oo markii horeba muddo dhaafay , dadkuna ay jecelyihiin in lakala diro, golle cusub uu yimaado, madaama ay ku fashilmeen xilkii loo igmaday ee umaddu ka sugaayey.

Sida Distoorkeena loo codeeyey ku cad siiba ,QAYBTA CALAAMADA GOLAHA WAKIILADA

BAL EEG QODOBKA 62AAD :- TILMAANTA GUUD EE GOLAHA :- Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana hay’adda 1aad ee xeer dejinta dalka, ansixinta xeerarka, ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.

Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa wax ka bedelka ku sameeyey xeer hoosaadkoodii golaha wakiilada, ee ay dhawaan ansixiyeen mudanayaasha golahaasi, goluhu  waxa uu jiray muddo 9sano, wuu u baahnaa in lagu siyaadiyo waxyaalo badan oo ka dhiman laguna soo daro, hadaba qaabka  imika loo soo dhigay xeer hoosaadka ee la yidhi  shirgudoonkii ayaa la qaybood loo kala dhigay siiba Gudoomiye ku-xigeenada ,oo ha  loogu codeeyo 42 , halka  guddoomiyuhuna sidiisa hore ahayd 55 cod, xeerkani ayaa oo ku saleysan arimo siyaadedeed, oo uu ku raadinayo gudoomiyuhu inuu meesha ka saaro 2bada gudoomiye ku-xigeeno oo khilaafkoodu gaadhay maxkamadda Distooriga ah, ka dibna uu meesha uu soo fadhiisiyo rag ay durbaanka si fiican u wada garacaan.

Waxaan leeyahay gudoomiye qaabkani  ma waafaqsana dastuurka qaranka  iyo shakhsiyada qofka, xuquuqal iinsaanka, taasina maskax qaldan oo ay dad khaasi ku soo diyaariyeen , xanbaarsanydna ujeedo gaar ah ,xeerkanina dastuurka ayuu ka hor imanayaa, umalaymaayo  ama shaqaynayo, dastuurkuna shir gudoonka inuu jiro ayuu sheegayaa ,isagoo wada socda sida ku cad:-

BAL EEG HABKA DISTOORKA JSL  U JEEDIYEY EE AY WADA SOCDAAN SHIR-GUDOONKU WAKIILADU
QODOBKA 67AAD  3. Golaha cusub waxa furaya guddoomiyaha Maxkamadda sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da’weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa guddoomiyaha iyo laba guddoomiye ku xigeen.

……Guddoomiyaha G/wakiiladu waxa uu baadi-goob ugu jiray mustaqbal madaxweyne  , waxaanay ahayd inuu ilaaliso , Disoorka aftida dadweynaha lagu ansixiyey 31May2001, oo kuu noqonayd lahayd ilaalintiisu inuu  xoojisid tageerada  Xisbigaaga Waddani, isla-markaana  G/Wakiilada ee aad gudomiyaha tahay inaad cadaalad iyo ilaalinta sharciga (Distoorka ) ku hogaamiso ayey ahayd.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Wadani distoorka umaddu samaystay , ee aad shirgudoonka ku tihiin waa mid weligii jiraaya, ma ogolla idinka iyo kuwa idinka danbeeya   in hoos loo dhigo awooda gudoomiye ku xigeenada,  hawshan gudoomiye dad ayaa kaaga talaabsaday, dabadana ka riixayay, Distoorka dib ugu noqo, taasi macquul maaha gudoomiye , shirgudoon kala –sareeya oo  waqtigeenii wuu dhamaaday ,

Sharci umaddu ay leedahay ayaa wadanka kala haga , xuquuqda cid kasta uu siiyey  iyo dastuurkii waa in aan la jabin,  waxna kama jiraana weeye qodobkasta ku jira xeerhoosaadka ama ka hor imanaya Disoorkeena,sidda qodobka ka kala saaraya shir gudoonka golaha wakiilada, distoorkana way ka hor imanaysaa  sidaana wada shaqaynta golaha ayaa ku xumaanaysa,

Bal u Fiirso qodobka cadeynaya

Distoorkeena QODOBKA 155AAD SALDHIGGA IYO SARRAYNTA DASTUURKA

1. Dastuurka waxa saldhig u ah mabaadi’da Islaamka.

2. Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan.

Waxaa in badan laga hadlay laba Xil ee Gudoomiyaha G/Wakiilada,  Isla-markaana ah Gudoomiyaha Wadani Md, Cabdiraxman Cirro runtiina waxaan muran ku jirin in Distoorkeenu si cad u cadeeyey ,

In Gudoomiye lagu koobi doono wakiilada ama inuu xisbigiisa gudoomiye ka noqdo.runtiina fadeexada iminka masuul maamuli waayey golle ka kooban 80xubnood ka kooban , waxaa lays weydiinayaa side ku maamuli karaa umad dhan, waxaana lagaga baahnaa gudoomiye inaad golahaaga ku dhaqdo xeerarka wadanka u yaalla .

QODOBKA 71AAD :- REEBBANAANTA QABASHADA XIL KALE IYO UGA FAA’IIDAYSIGA XILKA DANO GAAR AH.

 Xubinta Golaha Wakiilada uma bannnaana in ay qabato xil kale oo qaran, iyada oo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana inay uga faa’iideysato xilkaasi dano gaar ahaaneed.

Adiguba markaa waxaad is weydiisaa , golahii dadweynaha u qaabilsanaa , ilaalinta sharciga marka gudoomiyaheedii laba xil isku hayo oo aanu sharcigu ogolayn , xildhibaanaddii barlamaanka sidaa u ogoladeen , iminka ay soo baxaan xeerarkale oo distoor jebin ah, ayna isku milmeen danihii Golaha iyo xisbiga wadani , waxbadan ayaa qaldan , waxaan ku soo gabagabeynayaa qaybtan 1aad , dhaartii distooriga ahayd ee ay dhaarteen Xildhibaanada Wakiilada iyo cidkasta oo umadda xil u qabta….

QODOBKA 156AAD   DHAARTA DASTUURIGA AH

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaar, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin, dhaartan Dastuuriga ah. Sidoo kale waxaa isagana dhaarinaya ku-xigeenkiisa.

 “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA

ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN

Ugu danbeyn , waxa ku waajiba masuul qaran oo kasta , in uu xilkiisa u fuliyo,  si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale wadanka , taasi oo Shacbiga Somaliland ku oggolaaday cod aqlabiyad ku dhisan  taariikhdu  marka ay ahayd 31May 2001 , isla-markaana addunweynaha ay ugu caddayeyeen  in Dastuurkan ay ka dhigteen yahay Dastuurkoodii Qaran.

Ilaahay ayaa Mahadleh-

By, Ahmed Mooge /Hargeysa JSL