Golaha Wakiilada oo maanta ansixiyey Gudida Diiwaangelinta Ururda Siyaasada, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Fadhigoodii  Maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Toddobada Xubnood ee Gudida Diiwaangelinta ururada Siyaasada  ee madaxweynuhu magacaabay.

Sidoo Kale, Goluhu waxa uu maanta fadhigooda ku ansixiyey Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada.
Fadhigan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdi raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa Golaha ka soo xaadiray 59 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada.

Xildhibaanada ayaa Ka dib warbixin laga bixiyey Sooyaalka Taariikheeda ee Gudidan waxay mid mid ugu codeeyeen Masuuliyiinta Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyaga oo ku meel mariyey Cod Aqlabiyad ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa u codeeyey 57 Xildhibaan Hal Xidhibaana waa uu ka aamusay Gudoomiyuhuna muu codayn halka Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibada Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ay u codeeyeen 58 Mudane Cid diidday iyo Cid ka aamustay midna may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn.

Masuuliyiintan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey ee Golaha Wakiilladu ansixiyaan tan iyo markii uu furmay kalfadhiga 16aad ee Golaha Wakiillada oo todobaadkii hore Furmay.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net