Golaha Madaxa-bannaan ee WADA-TASHIGA oo soo-Dhaweeyey Is-gaashaanbuuraysiga Labada Xisbi Mucaarad, Baaq Dhiirri-gelin ahna u Jeediyey

golaha2Hargeysa (SLpost)- Golaha Madaxa-bannaan ee Wada-tashiga iyo Toosinta, ayaa soo dhaweeyey Heshiiska isbahaysi ee dhexmaray labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, halka sidoo kale ay soo dhaweeyeen baaqa ka soo baxay heshiiska labadaas xisbi ee lagu sheegay in Shir Qaran oo Aayo-ka-tashi laysugu yimaad.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Madaxabannaan ee Wada-tashiga iyo Toosinta Mujaahid Xasan Guurre Jaamac, kaas oo sidoo kale lagu xusay baaq axsaabta mucaaradka loogu jeediyey inay la yimaaddaan Qorshe-siyaasadeed lagu Saxo Qaladaadka Maamul ee Dalka ka jira.

War-saxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan:

“Ramadaan Kariim

Hadii aanu nahey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka

Waxaanu si diirana u soo dhaweyneynaa Heshiiska labada xisbi mucaarad Shaley Ku Gaadheen magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Ambassador.

golaha wada-tashigaWaxaa kale oo aanu soo Dhaweyneynaa Baaqii iyo Talooyinkii ay jeediyeen ee aheyd in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado TALO LOO DHAN YAHEY

Waxaanaanu Qabnaa iney Tahey Waddada aynu ku xalin karno dhibaatooyinka ina horyaala,Somalilandna ay ku Caana maalikarto

Ugu Danbeyntii Waxaanu labada Xisbi Mucaarad ku dhiiri galineynaa iney la yimaadaan Qorshe Cad oo Siyaasadeed Oo Wadankan waxa inaga khaldan aynu ku sixi karno  Si aynu cagta u saarno Dariiqa Toosan oo ummadan Gaadhsiiya Ictiraaf, Horumar iyo Badhaadhe.”

 

SOMALILANDPOST.NET