Golaha Guurtida Somaliland oo Buuxiyey Booska Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Fadhi aan Caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa ay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida ugu doorteen in uu noqdo Cabdiraxmaan Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Madar.

Golaha Guurtida Somaliland oo shalay buuxiyey booska guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee 2aad Siciid Jaamac oo ka ruqaansaday booskaas ka dib lagu doortay loollan aan lagula taramin, ayaa maanta buuxiyey booskaas iyada oo ay u codeeyeen 70 mudane oo ka mid ah 71 xildhibaan oo fadhigii shalay ka soo xaadiray.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 58 mudane ayaa waxa Shir-Gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaana jagadan isu soo taagay Saddex mudane oo kale ah Axmed Daahir Jirde, Cabdiraxmaan Sheekh Ibraaim Sheekh Yuusuf iyo Maxamuud Xareed Rooble.

Ka hor intii aan la guda gelin Kala saarista saddexda musharax ayaa ugu horeynba waxa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo sheegay in Axmed Daahir Jirde uu ka tanaasulay u tartankii jagada Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Golaha halka aanu soo xaadirin Maxamuud Xareed Rooble, labadaas mudane oo markii hore soo gudbiyey murashaxnimadooda booska guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Guurtida.

Cod gacan-taag ah oo loo qaaday mudanaha isu-sharraxay booskan ka dib, waxa Jagada Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha inuu noqdo loo doortay Cabdiraxmaan Sheekh  Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo uu dhalay guddoomiyihii hore ee golaha Guurtida Mujaahid Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxaana doortay 54 mudane halka uu hal xidhibaan ka aamusay, midna uu diiday, Gudoomiyuhuna aanu codeyn.

SOMALILANDPOST.NET