Golaha Guurtida oo Muddo-kordhin Laba Sanno ah u Sameeyey Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida, ayaa maanta muddo-kordhin laba sanno ah u kordhiyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Fadhigii Saaka ee Golaha Guurtida oo ay goob-joog ka ahaayeen 74-xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxa ay sidoo kale Golaha Guurtida qalinka isugu duuceen muddo-kordhin Shan sanno.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shir-guddoominayey fadhiga saaka, waxa uu Golaha ka horsheegay inuu madaxweyne Muuse Biixi u soo gudbiyey codsi qoraal ah oo uu Golaha kaga dalbaday muddo-kordhin 2 sanno ah.

Qoraalka madaxweynaha Golaha ka hor akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka Golahaas Siciid Jaamac Cali, intaas kaddibna waxa uu guddomiyuhu cod u qaadis geliyey codsiga madaxweynaha oo mudaneyaasha, iyadoo 71 mudane ayaa oggolaadeen, Hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mid kalena wuu diiday, guddooyuhuna ma codaynin, sidaasna waxa uu Goluhu ku oggolaaday in muddo 2 sanno ah loo kordhiyo muddo-xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka oo ku eg bisha November ee sannadkan.

Sidoo kale, Goluhu waxa ay muddo shan sanno ah cod aqlabiyad ah isugu kordhiyeen muddo-xileedka Golahaas oo dhammaaday.