Golaha Guurtida Oo Kusii Adkaystay Go’aankoodii Muddo Kordhinta, Waxba Ka Jiraanna Ku Tilmaamay Heshiiskii Axsaabta

Hargeysa, (SLpost)- Golaha guurtida Somaliland ayaa kusii adkaystay meel-marka go’aankii ay hore muddada ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha wakiillada, kaasoo ay ansixiyeen bishii April.indho-indho

Af-hayeenka golaha guurtida Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) ayaa ku doodday in go’aankoodu uu ahaa mid sharci, isla markaana meel looga noqdaa aanay jirin, halka uu heshiiska axsaabta iyo xukuumadda ku tilmaamay mid siyaasaddeed oo shaqsiyaad u dhexeeyay.

“Go’aankii golaha guurtidu gaadhay ee ahaa muddo kordhinta waa sidiisii wax isbedel ah oo ku imanayaana ma jiro, go’aan distoori ah ayuu ahaa. Anagana waxa naga dardaaran ah laba bilood ayaa hadal lagu jiray waxay ahayd in shaqo badan la qabto oo diiwaangelintii la bilaabo.” ayuu yidhi Afhayeenka guurtidu.

Sidoo kale Indho-indho ayaa sheegay in go’aankooda iyo heshiiskii axsaabta iyo xukuumaddu ay kala duwan yihiin, waxaanu yidhi. “Wixii sharci ahi waa sharci , heshiiskan ay gaadheen waa mid shaqsiyaad ah sharciyad uu waafaqsan yahay ma jiro.”