Golaha Guurtida Oo Guddi U Saaray Kasoo Talo-bixinta Muddo Kordhinta Xukuumadda

Hargeysa, (SLpost)- Golaha guurtida Somaliland ayaa guddi u saaray kazoo talo bixinta muddada loo kordhin doono xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo, ka dib markii dhawaan ay komishanka doorashooyinku ay shaaciyeen doorashada madaxtooyada iyo wakiilladu aanay xilligoodii ku qabsoomayn, kaasoo ahaa bisha June 26-keeda sannadkan aynu ku jirno.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaas Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa sheegay in guddi ka kooban 28 xubnood oo golahaas ah loo magacaabay inay la kulmaan saddex xisbi siyaasaddeed ee Kulmiye, Ucid, Waddani iyo komishanka doorashooyinka Somaliland, ka dibna ay kazoo talo bixiyaan muddo kordhinta xukuumadda oo dastuurku awood u siiyay golaha guurtida haddii ay timaado duruuf lagu qaban kari waayo doorashooyinkaas.

HALKAN KA AKHRI MAGACYADA XUBNAHA GUDDIDA LOO SAARAY:guurtiguurti1