Golaha Guurtida oo Guddi u saaray Dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Guddi u magacaabay ka soo war-bixinta sababta, qaabka uu u dhacay dil habeen-hore koox dablay ahi ku fuliyeen Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh ee dalka Somaliland iyo waliba xal u helidda falkaas.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta ka hadlay fadhigii ugu dambeeyey ee Kal-fadhiga 52-aad ee Golahaas oo shalay soo xidhmay, isla markaana sidaa Goluhu fasax ku galay, waxaanu Guddoomiyuhu sheegay dilkaas ka dhacay demgada Xaaji-Saalax ee gobolka Daad-madheedh, falkaas oo uu sheegay inuu ka xun yahay, Tacsina u dirayo qoyska, ehelada, qaraabada uu Marxuumku ka baxay, waxaanu Illaahay ka beryey inuu caafimaad siiyo Sarkaal caafimaad oo ku dhaawacmay falkaas Taliyaha lagu dilay.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu in arrinta  halkaas ka dhacay  ay tahay mid aad khatar u ah, in badan ay soo noqnoqotay, isla markaana ay Golaha Guurtidu gurmad ka geli doonto arrintaasoo ay sida ugu dhakhsa badan uguna  wanaagsan u geli doonaan, iskuna dayi  doonaan in ay soo afjaraan, si aanay taas oo kale iyo mid la mid ahi toona u dhicin.

Sidaa daraaddeed-na waxa uu Sheegay Guddoomiye Saleebaan inay Gole ahaan u magacaabeen Guddi Xildhibaanno Golaha Guurtida ka tirsan ah oo sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan uga soo warbixisa dilkaas, sida uu u dhacay, waxa sababay iyo weliba sida xalkeedu ku habboon yahay, kana hawlgala soo afjaridda arrintaas iyo wax la mid ah oo deegaankaas ka dhaca.

Magacyada Xubnaha Guddiga uu Guddoomiyaha Guurtidu dilka Xaaji-Saalax u magacaabay waxay kala yihiin sidan:-

1 Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Guddoomiye)

2  Xildhibaan Cabdinasir Cabdilahi Beegsi (Xogahaye)

3 Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur Jiciir

4 Xildhibaan Cabdillaahi Ibarahim Xirsi

5 Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

6 Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Xaaji Huruuso

7 Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

8. Xildhibaan Axmed Waabbari Maydhane

9 Xildhibaan Diini Cabdillaahi Hande.

Kal-fadhiggii 52-aad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey, isla markaana xidhmay, waxaanay Mudanayaasha Golahaasi galeen fasaxoodii caadiga ahaa, kaasoo ay ku maqnaan doonaan muddo 45 maalmood ah sha bilaabanta, sida ay Shirguddoonka Golahaasi shaaciyeen.

SOMALILANDPOST.NET