Golaha Guurtida oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Golaha Guurtida Somaliland [PHOTOFILE]

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey Xeerka  Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha oo mudaneyaashu dooddiisu ku gudo-jireen maalmihii dambeeyey.

Fadhiga maanta ee Xeerka lagu Ansixiyey waxa goob-joog ka ahaa 53 Xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee Golaha, waxaana ansixinta xeerka ogolaaday 49 mudane, laba Xildhibaan way diideen, halka mid kale ka aamusay, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka Doorashooyinka Somaliland.

Golaha Guurtida Somaliland [PHOTOFILE]
Xeerka Doorashooyinka dalka oo wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey, ayaa ka soo gudbay Golaha Wakiilada oo madaxweynuhu hore ugu soo gudbiyey. Waxaanay tallaabadani suurto-galinaysaa inuu xeerkani Dhaqan-gal yahay, hay’adaha dowladda ee khuseysaana ku shaqayn doonaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo arrintan ka hadlay, ayaa caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay mid soo af-jaray murankii siyaasadeed ee dhinaca doorashooyinka isla markaana loogu dhawaanayo qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

“Waxa war fiican ah in golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay  murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo Salaasada maanta la soo gebo-gabeeyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net