Golaha Guurtida oo ansixiyey in doorashadda deegaanka lagu gallo Lambarro

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost )-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey wax ka bedal lagu sameeyay xeerka doorashada deegaanka iyo Madaxtooyadda, kaasi oo todobaadkii hore Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen.

Fadhigii maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaga Golahaasi Md Saleebaan Maxamuud Aaden oo ay weheliyeen labadiisa ku xigeen ayaa Mudanayaaha loogu akhriyey qodobada wax ka bedalka lagu soo sameeyay, kuwaasi oo sheegayay in doorashada golayaasha deegaanka lagu gallo Lambar oo Musharixiinta Komiishanku u sameeyo Lambaro.

Advertisement

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 58 xildhibaan oo ka mid ah 82 Mudane ee golahaasi ka kooban yahay ayaa 56 ka mid ahi ogolaadeen in Musharixiinta deegaanka u tartamayaa Lambaro looga dhigo astaanta lagu garanayo, waxaana diiday hal Mudane, halka aanu Guddoomiyuhuna ka codaynin.

Sidaasi ayaanu ku meel maray Xeerkasi, horena waxa u soo meel mariyey golaha Wakiilada Somaliland, waxana la sugi doona cayimada koomishanka doorashooyinku ay cayiman wakhtiga doorashoyinka Golaha Deeganka oo muddo dhaafay.

Follow us On