Golaha dhexe ee KULMIYE iyo Waxgaradka Beesha Koonfurta Hargeysa oo taageeradooda u hibeeyey Murrashaxnimada Muuse Biixi

“Muuse Biixi waxaan leeyahay nin laba Libaax abti u yihiin baad tahay maanta” Suldaan Aadan Suld. Faarax

“KULMIYE wuu ka dheeryahay nin doonaya inuu kursi ku fuulo” Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jirta Beesha Koonfurta Hargeysa (Daa’uud Garxajis), ayaa si rasmiya u shaaciyey taageero buuxda oo ay la garab-joogaan murraxshimada Madaxweynenimo ee Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kadib Madaxweyne Siilaanyo.

Xaflad ballaadhan oo casuumad qado lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen hoggaanka KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo waxgarad ka tirsan beesha Ciidagale, ayaa lagu soo bandhigay taageerada xubnaha golaha dhexe ee beeshu u muujiyeen murrashaxnimada Muuse Biixi, iyadoo halkaasi ay goob-joog ku ahaayeen 14 xubnood ka mid ah 18 qof oo Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira beesha. Waxaanna madasha lagu asteeyey khudbado xambaarsan weedho hiil taageero iyo dhoolo-tus siyaasadeed ah oo ay jeediyeen siyaasiyiin iyo salaadiin ka mid ah martida goobta isugu tagtay.

kulmiye (4)La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, ahaana qabanqaabiyaha xafladdaasi Mr. Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga KULMIYE oo uu hore xilal kala duwan uga soo qabtay, ayaa ka warramay mowqifka xubnaha beeshiisu qaateen iyo sababaha ku kellifay, isagoo xusay in tartanka xooggaysanaya ee xisbiga dhexdiisu muujinayo biseyl dimuquraadiyadeed iyo hufnaan siyaasaddeed oo lagu yaqaan, balse haddana uu bannaanka ka sii muuqdo qofka lagu aamini karo masiirka umadda, marka uu saaxada banneeyo Madaxweyne Siilaanyo.

“Tirada guud ee golaha dhexe ee beeshu ku leedahay KULMIYE waa 18 xubnood, wax ku yimi magaca beesha, wax ku helay xil iyo wax ku yimi maamuus kaleba, markaa 18-kaa xubnood waxa goob-joog ah oo halkan fadhiya 12 xubnood, laba xubnood oo kalena cudur-daar adag ayey ku maqan yihiin oo midkood geeri ku dhacday buu ku maqanyahay. Sidaas darteed, 14-kaa xubnood oo dalka gudihiisa jooga waxaan caddaynayaa inay si buuxda u taageersan yihiin Muuse Biixi Cabdi, afarta kalena waxaan leeyahay kamaanaan rajo-dhigin,” ayuu yidhi Maxamed Iid, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey, “Tartankaa xisbiga KULMIYE, ninkasta oo murrashax ah waxaan leeyahay wuxuu muujinayaa dimuquraadiyad la yaable, dadka wax baynu baraynaa, ninkastoo wax ismoodayna wuxuu doonayaa inuu aad isaga warramo oo uu is-sheego oo is muujiyo, laakiinse ninbaa laga hayey; ‘Loogaa la yidhaahdaa’ markaasaa lagu yidhi, “lagaaga gole fadhiyaa.”

kulmiye (3)Suldaan Aadan Suldaan Faarax Cumar oo ka mida madaxdhaqameedka beesha Ciidagale, ayaa daboolka ka qaaday inay la-garab taaganyihiin Guddoomiye Muuse hiil aan hagrasho lahayn, waxaannu hadalkiisa ku iftiimiyey waxyaabaha uu Muuse Biixi dheeryahay ragga kale ee hankooda murrashaxnimo “Waxa farxad ii ah in beeshii oo dhami maanta halkan taageeradeeda ku caddeysay oo qoladaa aannu walaalaha nahay berigii waxay Ina Cigaal ugu coddeeyeen Abti baanu u nahaye, maanta labadii reerba inay meesha fadhiyaan farxad bay iyaduna noo tahay, markaa Muuse Biixi waxaan leeyahay nin laba Libaax abti u yihiin baad tahay maanta. Muuse Biixi waxaan leeyahay Suldaanka hadlay wax ma dooranayee ee golaha dhexe ayaa wax dooranaya,” ayuu yidhi Suldaanku.

Sidoo kale, Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, oday Aadan Xujaale, oday Cali Quulle Faarax oo ka mida odayaasha Deegaanka Koonfurta Hargeysa iyo Dr. Ismaaciil Cali Jaamac oo ka tirsan xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa iyaguna hadallo ay madasha ka jeediyeen ku ayiday taageerada beeshoodu siisay Guddoomiye Muuse Biixi, iyagoo tilmaamay inay ku kalsoon yihiin inuu ku guulaysan doono jagadaas marka la gaadho shirka Golaha dhexe xisbiga.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeel oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanay sheegid iyo shaacin toona u baahnayn Taageerada ay xubnaha Golaha dhexe ee Beesha Cidagale u muujiyeen Musharaxnimada Guddoomiye Muuse, balse ay tahay qadiyad sida cad-ceeda u ifaysa oo hore loo filayey. Labada masuul waxa kaloo ay farriin adag u direen siyaasiyiinta ku jira xisbiga ee dabada ka riixaya murrasharixiinta aan kalsoonida buuran haysan ee hanka madaxnimo galay, kuwaasoo ay ugu baaqeen inaanay lugayn.

kulmiye (1)Xildhibaan Axmed Wayso-cadde oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuna hadlayey afka guddida beelaha Subeer Awal isku-duba-ridka taageerayaasha Guddoomiye Muuse Biixi ee Golaha dhexe ee xisbiga, ayaa ka mahadceliyey taageerada beesha Ciidagale oo uu ku tilmaamay hiil wayn oo looga fadhiyey, isla markaana waxa uu ugu warramay taageerada beeshiisu u hayso murrashax Muuse.

“Ergada Golaha Dhexe ugu jirta beesha Subeer Awal, boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) waxay ku daba-fayleen oo la socdaan murrashax Muuse Biixi Cabdi, murrashaxiintuna markay cod ka haystaan xaafadooda ayey cod kalena u badheedhi karaan oo ay cid kale inay waydiistan, markaa kuma khaldanidin haddaad tihiin beesha Daa’uud Ismaaciil inaad ku biirtaan halka ay u badantahay taageeradii beesha Subeer Awal oo aad codkiina Golaha dhexe siisaan. Waanay caddahay cidda haysata aqlabiyadda Golaha Dhexe ee KULMIYE, halkan inta nooga caddaysay ayaa ku filan in looga qiyaas qaato murrashaxa aqlabiyada Golaha Dhexe haysta,” ayuu yidhi Waysa-cadde.

Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi iyo Xildhibaan Saleeban Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiilada, isla markaana kala metelayey xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga ugu jira Beelaha Harti iyo Habar-yoonis siday u kala horreeyaan ee taageersan murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaas oo iyaguna soo dhaweeyey go’aankan la mid ah kii hore beelahoodu u qaateen, halka La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo uu madasha ka shaaciyey in aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe ee beeshiisa Arab ay maalmaha soo socda shaacin doonaan taageerada Muuse Biixi.

Muuse Biixi HaddiiUgu dambayn, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban jeediyey, ayaa mahadnaq iyo bogaadin uu ka siiyey beesha Koonfurta Hargeysa taageerada ay u caddeeyeen, taas oo uu ka dhigtay faan uu dheer yahay murrashaxiinta la tartamaysa, “Inta iminka tartanka KULMIYE ku jirtaa waa isku reer, laakiinse nasiib wanaag abtin uun baan dheeraaday,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu ka warramay siyaasadda xisbiga KULMIYE ee mustaqbalka iyo qorsheyaashiisa ku lammaan hanka Madaxweynenimo ee uu ku hamiyayo inuu ku hoggaamiyo Somaliland, waxaannu yidhi, “Anigu xisbiga Guddoomiyihiisii baan ahay, odaygiisii baan ahay, raadkii odaygaygii horaa la raacayaa, xisbigana in laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayana si hufan loo tartamo oo wax walba laga horumariyo xisbinimada. KULMIYE wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal fog buu leeyahay.”

“KULMIYE wuu ka dheeryahay nin doonaya inuu kursi ku fuulo, aniga haddii Golaha dhexe aan joogo, haddaan guddoomiye ahay iyo haddii kaleba, waxa igu waajib ah inaan xisbiga isku-hayo, inaan sharciga xisbiga u hoggaansamo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga igu waajiba,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.