Golaha Deegaanka Gabiley oo Kulan Martiqaad ah ku Maamuusay Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Somaliland

Gabiley (SLpost)- Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada somaliland ENG Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shalay  kulan gaar ah la yeeshay golaha deegaanka dagmada gabiley.kulankaasi oo uu ka dambeeyay marttiqaad rasmiya oo golaha deegaanka gabiley u fidiyeen ENG Maxamed Xaashi ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xildhibaanada golaha deegaanka gabiley  uga faa,idaysan lahaayeen khibrada iyo waayo aragnimada ENG maxamed xaashi u leeyahay maamulka iyo maaraynta isla markaana talo iyo tusaale uga siin lahaa qorshayaashooda horumarineed. Kulankan oo ahaaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dawlada hoosee gabiley waxaana ka soo qaybgalay gudoomiyaha degmada gabiley shucuyb maxamed muuse iyo xildhibaanada golaha deegaanka madaxda iyo masuuliyiinta waaxaha ay ka koobantahay dawlada hoose , cuqaal iyo madax-dhaqameedka gobolka iyo marti sharaf kale  oo aad u tirabadan ,waxaana ugu horeyn hadalka furay Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan  oo hadal soo dhawayn ahaa kadib yidhi’ wasiir maxamed xaashi waxaa halkan ku horfadhiyaa waa golihii deegaanka gabiley ee umadu soo dooratay waxaananu doonaynaa inaad talo iyo tasaale ka siiso maamulka iyo sidi ay u kobcin lahaayeen dhaqaalaha gabiley taasi oo ah arimihii loo soo doortay”

maxamed Xaashi_GabileyKadib waxaa hadalka qaatay maayarka magaalada gabiley Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo isna hadalka ku bilaabay sacaadatu wasiir waxa halkan ku dhan dhamaan masuuliyiintii waaxaha iyo gudiyadii golaha deegaanku ka koobnaa ku soo dhawow waxaad talo iyo tusaale siinayso:

Kadib waxaa hadalka qaatay wasiirkii horee wasaarada maaliyada ENG maxamed xaashi cilmi oo halkaa ka jeediyay khudbad waano iyo waxsheeg ahayd oo saacado badan qaadatay waxaaa hadaladiisii ka mid ahaa:  Horta masuul kasta oo idinka mid ahi wuu dhaarsanyahay waxaana fiican inaad dhaartaa fulisaan waxaana dadku horumar ku gaadhaa waa wadajirka iyo muwaafaqada horta waxaan idinkula talinayaa inaad wadashaqayn fiican yeelataan arimaha horumarkana imika tusaale ahaan  dooxan arabsiyo ee aanu soo marnay   si fudud ayaad u dhisi kartaan hadaad bir weyn oo tool ah dhigtaan oo gawaadhida maraysa ay lacagta ku uruuriso waxaa la idiinka baahanyahay daacadnimo iyo inaad umad u shaqaysaa.

Dhanka kale bulshawaynta ku dhaqan gobolka gabiley ayaa si weyn u soo dhawaysay martiqaadkan golaha deegaanku u fidayay ENG Maxamed Xaashi   isla markaana waxuu kulankani meesha ka saaray tuhuno badan oo jiray oo ahaa in goluhu u xuurtaysanyahay xukuumada sarre arintaasi oo kamid ahayd caqabadihii ragaadiyay golihii kan ka  horeeyay  waxayna hadii ay sidan ku sii wadaan golaha deegaanka gabiley  oo ay ka nabad galaan farogalinta dawlada dhexe   waxayna talaabadani noqanaysaa manta ay qaadeen talaabadii ugu horeysay ee intay xilka hayeen kaga duwanaadeen golihii ka horeeyay

WERIYE :CABDIKARIIM MUXUMED CADDE (QAAMUUS )

GOBOLKA GABILEY