Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo Bulshada oo Goob Fagaare ah ku Xisaabtamay

Hargeysa(SLpost)-Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa goob fagaare ah ugu xogwaramay qaar ka mid ah bulshada caasimadda ku nool, oo ka kala socday dhammaan degmooyinka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay xubnaha shacabkuna kula wadaageen talooyin iyo la xisaabtan. Kullankan ayey ujeedadiisu ahayd in lagaga hadlo waxyaabaha ay sanadka golaha deegaanku hirgaliyeen iyo waxyaabaha qabyadda ka ah ee bulshadu ka sugayso golaha deegaanka.

Guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay waxqabadkooda sanadkan sii dhammaanaya, waxaanna uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aannu halkan iskugu nimid idinka oo ah cidda aannu u shaqaynayno iyo annaga oo ah u shaqeeyayaashiinii, taasoo ah in aynnu ka wada hadalno wixii aannu soo qabannay iyo maxaannu qaban doonaa oo aad idinka noo sheegi doontaan”

 

Kadib maayar Soltelco oo ka sheekeeyay waddooyin ay dhiseen iyo qalabbo ay dawladda hoose soo iibsatay, ayaa waxa halkaa ka hadlay bulshada goobjoogga ahayd oo soojeedinno isku jira cannaan, tusaalayn iyo ka maragkac halkaa ka sheegay. Qaar kamid ah xubnaha bulshada ayaa sheegay in golaha deegaanku aannay waxba qaban, isla markaana loo baahan yahay in ay bulshada si fiican ugu adeegaan.

 

Ugu dambayntii Maayar-xigeenka, xoghayaha fullinta iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ayaa iyaga oo ka jawaabaya dalabka dadweyanaha waxa ay sheegeen in aannay waxba ka hagran doonin baahiyaha bulshada iyaga oo sheegay in ay aqbalayaan waxkasta oo shacbigu usoo jeediyay islamarkaana waxa uu xusay in ay fullin doonaan dhammaan soojeedimaha bulshada.

“Waannu qorannay waannu huri doonnaa waannu qorfayn doonaa, sida ay ukala mudan yihiinna waannu ugu dari doonaa miisaaniyadda sanadka. Dadweynaha Waxaan u sheegaynaa; baahiyo badan baad soo jeediseen, intaa aad soo jeediseen inta ugu badan ama dhammaanba aannu qaban doono” Xoghayaha fulinta, dawladda hoose ee Hargeysa.

Halkan ka Daawo Warka ku Saabsan Kullanka oo Muuqaal ah:

 

Somalilandpost.net, Hargeysa Office