Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood oo ganafka ku dhuftay Amarka ka soo baxay Xukuumadda Dhexe

golaha degaanaLaascaanood (SLpost)- Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha degaanka degmada Laascaanood, ayaa laga soo saaray qaraar ay kaga soo horjeedaan wareegto uu soo saaray Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, kaas oo uu ku amray in gebi ahaanba la joojiyo bixinta dhulka magaalada Laascaanood.

Fadhiga Golaha oo ay joogeen 15 Xildhibaan, waxa ay isku raaceen mudaneyaashu in wareegtada Wasiirku  tahay mid sharciga baalmarsan, in kasta oo ay xuseen inay jirto wada-shaqayn iyo xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeya Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland.

Xildhibaanada Qaarkood oo saxaafada la hadlayey ayaa hawshan ku eedeeyey masuuliyiinta xukuumada oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Sool.

Arintan khilaafaadka ayaa soo bilaabantay dhammaadkii bishii aan soo dhaafnay oo muran soo kala dhexgalay Masuuliyiinta dawlada Hoose ee Laascaanood gaar ahaan Duqa degmada iyo xoghayaha Dowladda Hoose, taas oo sababtay in wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qanbi uu soo dhexgalo, taasina ay sababto in hakad la geliyo bixinta dhulka oo ah hawlaha ugu waaweyn ee Dowladda Hoose ee magaalada laascaanood.