Golaha Deegaanka Degmada Borama oo loo doortay Maayar iyo ku-xigeen Cusub

Boorama (SLpost)- Golaha Deegaanka dhawaan la doortay ee degmaada Boorame oo la xilalkooda loo dhaariyey todobaadkii hore, ayaa maanta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey oo ay ku doorteen Mayar iyo Ku-xigeen Cusub.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 21-ka xildhibaan ee Golaha deegaanka degmada Boorama, ayaa cod gacan-taag ah loo qaaday Maayarnimada magaaladaas oo ay u tartameen Saleebaan Xasan Xaddi oo labadooduba Xisbiga Kulmiye ka soo baxay.

Golaha-deegaanka-boorameShan iyo Toban Mudane oo ka mid ah Golaha Deeganka Borama, ayaa codkooda ku taageeray Saleebaan Xasan Xaddi halka Cabdi Cismaan Dhego-weyne uu ka helay Shan cod, waxaana sidaas maayar degmada Boorama loogu doortay Saleebaan Xasan Xaddi.

Fadhigan oo ay goobjoog ka haayeen Wasiirrada wasaaraddaha Shaqada & Arrimaha Bulshada Md Maxamed Axmed Barre (Garaad), Md Cabdirisaaq Cali Cismaan, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maayarkii hore ee Boorama, Cabdiraxaan Shide Bile, waxa jagada maayar ku-xigeenka isu soo sharraxay Mudane kaliya oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Faarax (Dheereye) oo ahaa murashaxii ugu codka badnaa Ururka Umadda, waxaana cod loo qaaday inuu noqda maayar ku-xigeenka degmada Boorama. Md Dheereeye waxa ogolaaday oo codkooda ku taageeray 19 xildhibaan, waxa ka aamusay hal mudane, sidaasna waxaa jagadii ku xigeenka maayarka Boorame loogu doortay Md Maxamed maxamuud Faarax (Dheereyste).

Gabo-gabadii kulankaas, Murashaxii lagaga guulaystay tartanka xilka maayarnimo, ayaa maayarka cusub ee la doortay ku hambalyeey guushiisa iyo xilka loo doortay.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net