Golaha Ammaanka Oo Cod U Qaadaya Cuno-qabateynta Xuutiyiinta Yemen Iyo Ruushka Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Diido

New York, (SLP)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan in cuno-qabateyn dhinaca hubka ah oo lagu soo rogo xoogagga Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaasoo dagaal kula jira dawladda dalkaas oo ay Sucuudiga iyo xulufadiisu taageeraan.

Qaraarkan ogolaanaya cunno-qabtaynta ee loo codaynayo ayaa wuxuu sidoo kale qeexayaa in xoogaga Xuutiyiintu ay ka baxaan dhamaan dhulkii ay qabsadeen, waxa kale oo xayiraad la saarayaa hoggaamiyeyaasha kooxdaas.

Dawladda Ruushka ayaa laga cabsi qabaa inay qaraarkan la doonayo in lagu soo rogo Xuutiyiinta Yemen ay ka hortagto, iyadoo laga yaabo inay codka VITO-ga u adeegsato sidii qaraarkan ay uga hortagi lahayd.UN

Xukuumadda Sucuudiga ayaa hore ugu eedaysay Iiraan inay taageerto Xuutiyiinta Yemen oo shiico ah, kuwaasoo qabsaday dhamaan inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Sidoo kale, qaraarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Golaha Ammanka lasoo hordhigo, iyadoo haddii loo codeeyo ay taageero siinaysa waddamada duqeynta ku wada kooxdan ee uu hoggaaminayo Sucuudiga.

Xoogaga Xuutiyiinta iyo ciidamada daacadda u ah Yemen ayaa waxay ku dagaalamayaan waddooyinka magaalada Cadan, iyadoo weli aan lagu kala adkaan  la yahay dagaalka ka socda magaaladaas.

 

Somalilandposy.net