Golaha Amaanka iyo dalka Iiraan oo madaxa iskugula jira iyo Jaamacadda Carabta oo dhalleecaysay qaraar ka soo baxay Baarlamanka Israa’iil

Qaahira (SLpost)- War-bixin aan weli la  shaacin oo ay soo saareen Guddiga  Caalamiga ah ee cuna-qabataynta dalka Iiraan ku sheegeen inay  Iiraan hubka u gudbiso maamulka ka taliya dalka Suuriya.

Sida ay baahisay Wakaalada wararka  ee Reuters, khubaro ka tirsan Guddigan ayaa war-bixin sir ah oo aan weli la shaacin ku sheegay in Dalka Suuriya isha ugu weyn ee uu hubka ka helaa ay tahay dalka Iiraan, taasina ay xad gudub ku tahay cuna-qabataynta Golaha amaanku uu ku soo rogay in wax hub laga soo waarido dalka Iiraan.

Guddiga cuna qabataynta  Qaramada midoobay  oo khubaro ka tirsani soo diyaariseen warbixintan ayaa marka hore  dib u eegis ku samayn doona ka hor inta aanay u gudbin Golaha Ammaanka.

Ilaa wakhtigan lama cayimin waqtiga  war-bixintan  ay guddiga cuna qabatayntu soo diyaariyeen u gudbi doonto Golaha ammaanka iyada oo dalka Ruushku uu  kal hore  is-hortaagay in war-bixintan la gudbiyo.

Dhanka kale, Ururka Jaamacada Carabta ayaa si adag u canbaareeyey Go’aan guddiga maaliyadda ee golaha baarlamaanka dalka Israa’iil  ku qoondeeyeen in miisaaniyada dalkaasi loogu daro 24 Milyan oo lacagta dalkaas ah si loogu hawl-galo degaamaynta  sharci darrada ah ee israa’iil ka waddo dhulka Falastiin.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee  Jaamacada Carabta ee Arrimaha Falastiin iyo dhulka Carbeed ee Israa’iil haysato Maxamed Sabiix, ayaa canbaareeyey qaraarkaasi Golaha baarlamaanka Israa’iil, waxaanu xukuumadda Israa’iil ku tilmaamay inay tahay mid isu haysata inay qaanuunka ka sarayso.

Maxamed Sabiix sheegay in degaamayntu ay  tahay sharci darro aan la aqbali Karin isaga oo xusay inay dacwad arrinta ka dhan ah u gudbin doonaan Maxkamada Caalamiga.

Waxa uu Maxamed Sabiix intaa ku daray in degaamaynta Israa’iil ay waddaa ay caqabad ku tahay dhabbaha nabad lagu gaadhi lahaa iyo dedaalada nabad-raadinta.

SLpost News