Godob!

Waa bil gabaabsi ah ,goor himow-himow gudcurka soo siyaadayaa aanad farahaaga arkayn, habeennimo Axadi soo gelayso.Xilli jilaal la galay,bay ahayd goorta ay adduunka ku suu biirtay Gobaad  oo sida ay sheegeen wayeel oosha ka mid ahi ay isku ammin dhasheen ayeeyadeed Cawrala,goobta ay ku dhalatay waa meel ay ku dagaallamaan beelo aan baad iyo biyo toonna isku hayn,balse shaki ay kala qaadeen awgeed aan midina midda kale u gudbin,kaaga sii daran eh hooyadeed beelahaas mid ka mid ah bay ka soo jeeddaa aabbeheed na halka uu kasoo jeedo tan kale ,balse waalidkeed waxa ay is barteen isna guursadeen goor aanay jirin colaadaha ragaadiyey ummaddan walaalaha ah ee wada dega,gabadhan waxa ka waaweyn labo , saddexna waa ay ka yar-yar yihiin,nasiibka ay ku heshay in ay ugu dhexayso ,dhanka kale  ma helin oo waxa ay la kowsatey aafooyinka qabyaaladda .

Masoo booqan karto iyada iyo walaaleheeda wiilasha ahi reer abtigeed,marmarka qaar waxa ay canaanataa dhulkan ay joogto,kuna hammidaa waxa u dooray,marna dadkooda ayay eeddaas oo dhan dusha uga tuurtaa .Iyada oo isweyddiisa tolow maxay u garan waayeen in ay oodi ab ka dhowdahay.’’Damiir laawaysnaa oo abaal daranaa ,’’bay ku tawaawacdaa  oo is tusta gabaygii Tima Cadde AHUN ‘’ dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaan eh.’’

Dhib yaraa haddii cunugtan yar wax la bari lahaa ,iskuul ma taqaan ,oo dugsi Qur’aanka barihii u dhugi jirey waa firxaday kaddib markii ay labada beelood is fara-saareen,oo muu dadkiisaa wax la qabo maxaa eryoodey!Alla dhowidaa wuxuu ahaa beesha kale oo haddii dirirtu bilaabanto rag baan macallin iyo aabbihiis toonna u aabbe yeelayn ,isaga laftigiisa dhawr jeer buu ka badbaadey isku day dil aano ah oo beeshiisa laga tirsanayey.

Waxa intaas ba ku hagoogtey oday sama-wade ah oo lagu magcaabo Biyo-maddaadshe kolley ummadda lagama waayo mid wanaagga ka taliya.Se maxay kuugu tahay isaga laftigiisa oday ay isla da’ yihiin oo lagu magcaabo Coofle Qaxar baa dhawr jeer u mudhuxsaday in uu dilo ,sababtoo ah isaga oo leh muxuu ninka u deysanayaa macallinna maahee waa Mas uu korsanayo.Isaga oo Coofle ku andocoodey in uu yahay ninka u tabbaasa una gudbiya siraha beesha qoladiisa.Tiraba afar jeer buu isaga laftigiisu isku deyey in uu dhiig bini’aadam faraha la galo,umana suuro gelin.

Gobaad  da’deeda marka hilaad-tiris lagu sheego waa afar iyo labaatan sannadood iyo sagaalkii bilood ay uurka hooyadeed ku jirtey.Saamaynta colaaduhu ku yeesheen bulshadan waa mid burbur baahsan u geysatey xataa bahaayinkii in loo diido dhul ay daaqaan, sabab la’aan loo dilo,biri-mageyeydada carruurta ah ;haddii fursad lagu helo dhegta dhiigga  loo daro!Mar iyo labo toonna maaha dhacdadaas foosha xuni mid dhacday.Hasa yeeshee ,ay soo noqnoqotay.

Dhabbanahaysku waa dad is yaqaanna waayihii horena aad u kala guursan jirey , wiil iyo abtigii ayaa laysku weyrixiyey ,waxa kugu dhimay kaa dhimay laga dhigay waa hal qof ,cidda wiilkeeda iyo walaalkeed is dileen waa hal hooyo.Dhibaatada aan laga soo waaqsan karin waa in beelahani ay ka soo wada jeedaan isirkoodii koowaad hal meel!Tan aan marnaba ka tirmi doonin laabaha waa in ay lee yihiin hal cadow , mooyi siday ugu feejig yihiin cadowgoodaas dhiig miiradka ah !

 Aad buu u dhoolla caddeeyaa una farxaa marka uu maqlo waa dirireen cadowgoodu ,halka uu si niyad ah u yidhaahdo isu geysta labaddiinaba sow idinka uun idin kama dhiman.Waxa maalin maalmaha ka mid ah , goor gaaban oo casar ah inantii Gobaad  biyo looga diray ceel ku yaalley badhtamaha labada daraf oo heshiis mar dhexdaas ah la dhex-dhigay lagu go’aamiyey in qoloba kalkooda ka cabto,iyada oo si qun-yar u laafyoonaysa ay isha qac isku siiyeen wiil shaadh (shamiis/shaati) cad ku lebbisan oo xagga dabaylka Qorrax ka dhaca ah ay iskaga gudubtey .

Amarka Ilaahay waxa isku aaddey iyada oo ahayd gabadh jalaqsan oo quruxdeeda Ilaahay joog ugu daray deegaanka oo dhan laga majeerto, iyo Qorraxda oo casuus sii geleyso; gabbal kuna sii dhacayo , oo ay  kaga soo baxday dhinaca Qorrax ka dhaca ,iskagana beegtay  ,muuqaalkeeda tool-moon iyo dharka ay sidato oo soo jiidasho lahaa ayaaa inanka oo  Gaydhe la gu magcaabi jirey mar qudha ku soo mudhay; intaas oo isbiirsaday waxa ay keeneen in rooxaan guuraysa oo kaga soo qaxday dhinaca gabadhan qub tidhi qalbigii wiilka (Meeshii Alle wax ka wado dameerahaa weylo kuu dhala).Waxa aad mooddaa ruxanka iyo reenka iyo taaha ka yeedhaya feedhihiisa in ciil ku gadhoodhay !

Waxaa wax ka daran baa se ku geyllamaya quluubtiisa hadallo is dhaaf ah oo aad mooddo qof waalan isna aanuu ka fiirsan ayaa kasoo fikaday ,salaan,su’aalo isdaba taxan iyo ammaan aanuu ku talo gelin oo habqan ah .Maku caawin karaa?Gobaad  fajac iyo amakaag baa dhabanka iyo gacantu isku dhegtey .Si naxdin iyo anfariir ku jirto oo ay  is weydiisey ma nin waalan baad maanta afka uga soo gashay .Wallee  caawaad ba’day ,waa laguu yaabaa,ma maantaad meel cidla ciirsi la’ ugu soo gashay nin sidaas i sula duryamaya.Haddana daqiiqad wax ka yar bay intaas oo weydiimood maankeeda kusoo dhacday,ismaba ay lurin eh  ee war celin sahlan bay ku tidhi’’ ha is dhibin walaal.’’Hadalkaas isaga waa u dawo maadaamoo loo jawaabey halka dhinaca kale ay waran ku tahay illeyn sheekadii waa kasoo xidhmaaysaaye.

Isku day kale oo uu isku deyey ma waayin eh wuxuu ahaa inan  afku xoogle gaashaan qaad kurey ah oo aan Alle ku ciilin afkiisa .Haddana galabta waxa aad mooddaa xaalku inuu ka janjeedhsan yahay.Si ay ahaato ba  weyddiimo kale oo qayaxan mar kale faraha kaga bixi oo ay ka mid ahayd ‘’ma xaafadahaas baad deggan tihiin oo tolow maxaa uga gidhiish ah oo uga shan iyo toban ah !Ha yeeshee Alla ma qaaddo Gobaad  marba marka kasii danbaysa ay nafteeda ku hirdamayaan ujeedka inankan iyo qof ahaantiisa miyir;inkasta oo ay usii caddaanayso in uu miyir qabo ,baa ugu tiraabtay ‘’haa, ‘’maxaad ii weydiisey iyada oo dubaaqaysa dhibta reeraha dhextaal iyo cabsida.Geydhe  ayaase mar kale furfurtay oo si niyad sami ah ula hadlay, inantiina kalsoonideedii waa soo laba jibbaarantay ,waana uu la dhaamiyey fursaddan dahabiga ah isaga oo ka faa’iideysanaya,jidh ahaan wuu joogaa ruuxdiisii iyadu waa rawaxday oo waxa ay is weydiinaysaa maanta garataye markale sidee ku heli khadarka lugihiisa ku soconaya!

Kaddib markii uu u dhaamiyey ayaa uu warsaday in ay jeer danbe u qorshaysan tahay imaatinka goobta ugu tilmaaman mid barakaysan. Waa ay dhici kartaa ayaa ay ku af-gobaad satey ,hoygeediina  u galbatay isna xagaas meeshii uu ka yimi usii luuday sidii oday duq ah ,isaga oo hadba mar dib usii jalleecayey oo wuuba turun turrooday (kufay) habash    dhe.baga!Adigaa maxaad hortaada u eegi weydey .Dee ma qof aragtideeda laga libiqsan karaa,dani ku badday weeye ,maxaad gabadh reero dhaleen kasii eegaysaa .Dharaaro badan buu xasuustiisii kala miidhanayey iyo galabtii boqranayd ,qiimaha ammintaasi waxa ay uga dhignayd middii ugu qaalisanayd noloshiisa,yaraantana il-bidhiqsi waa ka yarayd.

Ayaan ba ayaan ayaa ay u dhiibtey Geydhe  iyo Gobaad  aanay indhaha isa saarin.Markii ay suurtoobi weydey in uu dhaayaha saaro inantii go’aan ayuu gaadhey ah in uu cunug yar u diro farriinna ugu sii dhiibo khadarkii maalintii dhoweyd Rabbi la kulansiiyey .markii ay gaadhey farriintaasi iyana ay si deg-deg ah uga soo jawaab celisey;kulana ballantay geedka hadhka weyn ,goorta hebeenku dumo isugu keen keen .Ballantaasi markii ay soo gaadhey Geydhe  farxad iyo raynrayn waa uu kala daadan gaadhey sida dhoobada,si uu u oofiyo goor hore ayaa uu is xayd xaydey.

Dhibta ugu weyn waa goor aan habeen ahayn lama tegi karo oo dhuumashi mooyi eh si kale laguma badbaadi karo.Kolkii ay gaadhey ayaa midba mar sidii tuugtii dhinaca kaga yimid goobtii lagu ballansanaa  .Goortii sheekadu isugu dhacday la  is xog-waraystay , xam xam iyo hirdan  isa soo taraya  ayaa soo  baxaysa oo meesha ay lugaha ku hayaan aan ka fogeyn mar qudha hareeraha cod ka baxay leh ‘’ is dhiiba’,’ judhiiba Gobaad  ayaa ay qaylo qarka saaraay,HANNA DILINA! Geydhe  isagu ma nuuxsan oo wuxuu garawsanaa ‘’Naftu maalin bay baxdaa ‘’allaylehe iska adkayso waa dani tidhi.Dableydii ayaa weydiisey haybtooda iyo goortan waxa jiiddan keenay,waxana u jawaab celisey gabadhii kuna tidhi :’’waa aniga iyo wiil aan walaalo nahay oo xaafad heblaayo alaab lanoo kasoo diray.’’

Maba ay sii weyddiin eh socda ayaa ay yidhaahdeen ,oo yaan laydin ku arkin halkan. Geydhe xaalladiisu markii uu intaas maqlay neef-tuur buu bilaabay ,wadnihiisa waxa aad mooddaa in matoor lagu rakibay,beerkaa afka ka yimid wuuba is adkeynayey kolkii hore.Meel xun Alle ku dhigta la sheegi jirey waad iska maqli jirtee waa tan oo kale! Dhinac na ma eegin eh meel ku beegnayd buu isku maqiiqay ,habeenkaas na sidaas ayaa uu ku soo af-meermay haasaawohoodii hiin-raagga iyo hiir-taanyada yeeshay .

Deegaankii waxa si fudud ugu faafay xanta ah in Gobaad  iyo inanka beesha kale kasoo jeeda ay sheeko wadaag noqdeen ,arrintan waxa faafiyey mid aan khayr qabin oo ay saaxiib yihiin Gobaad ayna isku ogaayeen afkoodu in uu ammaan isku noqdo,laguna magcaabo wiyilo.Dad badan baa ka cadhooday falkan ay ku kacday Gobaad maadaama oo ay dhextaalley utun labada qolo.Hadallo  badan oo dadku isla dhexmarayeen baa ahaa oo ‘’miyay cid ka weydey ilmaa-adeerradeed’’ inantu dheg jalaq uma siin oo tororog iyo hadal aan micno buurani ku jirin bay ula muuqdeen.Awel jacaylku waxa uu ku koobnaa dhinaca geydhe ,hadda waxa kula soo biirtay iyana Gobaad oo habeenkii kordhaaba uu ku  jibbaarmo kal-gacaylka Geydhe ay u qabto kulantidiisa .Wax kasta waa qoraal ,maalin maalmaha ka mid ah ayaa farriin cusub uu gabadhii yarayd u soo faray ,waxa ayna u dhignayd sidan:’’ Gobaadey noloshu hakuu ahaato naruuro iyo nayaayiro ,maalintii kuu korodhaaba hakaaga dhignaato farxad ,teed kasta oo inna kala xidhaa ,waxa uu sii kordhin doonaa kalsoonideenna,waxa aan maaggannahay qorsheyaal badan oo wax-tar innoo leh in aan dejisanno.’’

Kolkii ay soo gaadhey Gobaad farriintani dareenkii ay u haysey Geydhe cirka ayaa uu isku shareeray .Iyaduna odhaah u dhignayd sidan bay ugu hal-celisey:’’ nooli kulanti’’ ,maalmo badani kama soo wareegin markii war dhiillo xambaarsan uu soo gaadhey ahaana dagaal lagu riiqday oo beelaha dhexmaray ,oo gallaaftay naf iyo maal ayaa lagu diley ubixii iyo il-waadkeedii ,ma jirin wax uu galabsaday,aan ka ahayn xasaradda qabyaaladda halkaas ayaa qorshayaashoodii ku burburay iyaga oo aan ka gun gaadhin.Halka Gobaad uu ku reebay uur-ku -taallo jiif iyo joog u diidey.Haddii qadar dhaco qorshe dhimay!

W/Q:Axmed Cali Abokor

Email:Qudeef 44@gmail.com