GODKA IGU AMAAN!- W/Q: Yasmin M. Kaahin

Luunka ku wareegsan, luudista lugo awoodii waa hore ka idlaatay, cuskasho ul tamar uu ku qaadaaba aanay ku jirin oo dhulka jiitamaysa iyo caddaanka oogada jidhka ee u muuqda inaan goror dhiig ahi ku jirin, ayaa wakhtigaas wehel u ahaa. Inkasta oo aad mooddaysay in carrabku aanu ereyada hadalka si wacan u rog-rogayn oo uu isku darayay, haddana kartida iyo raganimada ku jirta ayaan u fahmay inay fartay in uu is-tiilo oo uu karti muujiyo. Isaguba wakhtigaa wuu dareensanaa in cid waliba markay xaaladdan uu ku jiro kula kulanto, iyaga oo aan wax kale u tarayn ay magaciisa oo saddexan ugu yeedhayaan, isuna tilmaamayaan, balse aanay naf kale u haynin!!

Waa maalin badhkeed, cadceedduna aad u kulushay. Waxay ahayd wakhti cid waliba ay hadh-gashay oo cid kasta oo aad u baahan tahay aanad helaynin. Balse qaddarinta uu bulshada iyagu deyriyay uu isagu u hayay awgeed, ayuu na qaabilay. Waxay ahayd kulankayagii u horeeyey ee is-aqoon guud ka sokow, fool-ka-fool  aanu u wada fadhiisano. Ma ahayn mid murug mooyaane farxad ii kordhiyey,inkastoo kaftankiisii u badnaa ka sheekaynta xiligii uu bad qabay ee quruxda badnaa uu ahaa mid jewiga farxad u abuurayay oo aanu afka ka qaadayn, haddana marxaladdii uu ku sugnaa ma qurux badnayn. Waa mid lagu yaqaan intii dun-wanaagga iyo dad jacaylka u dhalatay.  Waxay ahayd 6/6/2012, waxaananu wada joognay daqiiqado ay iswehelinayeen farxad iyo murugo is-wataa.

Faraha tamar-darreeyay wakhtigaasi waxay ahaayeen kuwii uu sida layaabka leh uu ugu garaaci jiray cuudka, codka maqalkiisu dirqiga ku ahaana, wuxuu ahaa kii halaasiga ahaa ee dadku madaxa u wada ruxi jireen.

Qofka aan ka hadlayaa waa Allahaa u naxariistee hormoodkii fanka iyo madadaallada Soomaalida, Marxuum Feysal Cumar Maxamed (Mushteeg). Waxay  heddu heshay 21 September 2012. Tii xaqa ahayd baa timid, alla damaq badanaa oo haddana murugo badnaydaa. Waxase igaga murugo badnaa wixii aan arkay aaskiisii!!! Gaadiidka tiro beelay, rag madax iyo masuuliyiin sheegta oo in uu nool yahay iyo in kale aan ogayn oo sidii ay yaqaaneen oo kale u ammaanaya, ilmada Yaxaaskana qubaya. Waxaan xusuustay tuducyo ka mid ah gabay uu Abwaan Cali Sugulle (Dun-Carbeed) ugu baroor-diiqay Allahaa u naxariistee aabbihii xiddigiska Soomaalida Muuse Galaal.

“Goldalooladoodee kuwii kula gufeyn waayey,
ee nolosha kugu gabay ayaa taagan goonyaha
Markaad gudubtay bay leeyihiin ina galaalow’e”

Intii wax tarka taageerada iyo taakulada uu ka filayay goormay baraarugtay? Xili talo ta Alle timi oo aanu kaba war haynin kii wax taray, kii murugooday geeridiisa, kii ku farxay iyo ka is-tuska dadka awgeed ilmada iyo ammaantu uga tibiq leedahay indhihiisa!. Wakhti aanu kala jeclayn cidda habaaska iyo boodhka ku rogaysa marka la aasayo iyo cid xabaashiisa ka dul oyda, waa markii uu god-galay. Waxaan dhaafin waayay in qof waliba u tartamayo in la yidhaahdo; hebel si wacan ayuu aaskii Faysal Cumar Mushteeg uga dul ooyay, uga dul ammaanay, ugana murugooday! Sidoo kale, waxaan dhinacna loo dhaafinayn xaalka in xabaal-ammaanku uu ku badan yahay inta xilku saaran yahay..Taasi iyana waxay ina faraysaa in hormoodka iyo halyeyga umadi leedahay aanu u baahnayn in loo baroorto marka uu dhinto, lana ammaano, balse uu u baahan yahay in wax la taro marka uu nool yahay ee uu u baahan yahay taageerada. Waxaan xusuustay tuducyadii uu mariyay Allahaa caafiyee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye);

“Ha laguu ilmeeyee,

Horto dhimo af maahee,

Eeggoo la noolyiyo,

Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiya,

Oon aad u buurnayn,

Oo weliba eegeey,

Igu sii amaahoo,

Ictiraafka buuxee,

Aakhiro markaan tago,

Iilka igu sugaayiyo,

Ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,

Akowntkayga laga jaro,”

Faysal oo kaliya maaha, balse foollaad kasta oo umadda ka baxa, waxa shacabkeena madax iyo maatiba caado u noqotay in loo calaacalo oo la ammaano. Marxuumku dhimay, waxase badan inta kale ee manta u baahan in la siiyo waxtar akoonkooda laga jaro!

Alle ha u naxariistee Faysal  Cumar Mushteeg  iyo qof kasta oo umadda ka baxaa wuxuu u baahan yahay duco iyo inaan magacoodui lumin, lana illaawin xusuusta maalmihii ay inala soo mareen, taasina waxay u taallaa bulshada oo dhan, waxayse gaar u saaran tahay inta damiirkoodu nool yahay.

W.Q: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Hargeisa, Somaliland.