Gobollo Ka Mid Ah Mareykanka Oo Ay Gilgileen Dibad-baxyo Dadka Madawga Loogu Dooddayaa

Baltimore, (SLP)- In ka badan kun qof ayaa shalay socod mudaharaad ah ku maray waddooyinka Baltimore ee gobolka Mary Land.US

Taliyaha booliska magaalada Baltimore Anthony Batts oo ka hadlay mudaharaadkaas ayaa yidhi. “Wuxuu ahaa mudaharaadkaasi mid si xasiloon ku dhacay, iyagoo dadku dalbanayay in si cadaalad ah loola macaamilo mujtamaca madaw ee Mareykanka.”

Dhinaca kale dibad-baxyo iyagana loogu dooddayo dadka madaw ee Maraykanka ayaa ka dhacay magaalooyinka Washington iyo New York, halkaasoo booliskuna ay dad ku xidhxidheen.

Mudaharaadadan ayaa bilaabmay Isniintii, k adib markii la aasay maydka Freddie Gray 25 sanno jir ahaa oo u dhintay dhaawac laf-dhabarta kasoo gaadhay xilli uu ku jiray xabsi ay boolisku ku xidheen, waxaana la baadhayaa lix askari oo ahaa kuwii xidhay.

Somalilandpost.net