Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland oo Si ballaadhan looga dabbaal-degay Xuska Munaasibadda 18-ka May

Hargeysa (SLpost)- Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa saaka si weyn looga dabbaal-degay xuska munaasibadda 31-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii.

Caasimadda Hargeysa, waxa lagu qabtay munaasibaddii ugu ballaadhneyd ee lagu xuso sannad-guurada 18 May, iyadoo fagaaraha xuska maalinta xorriyadda ay soo mareen ciidamo iyo tekniko tiro badan oo markii u horeysay ka qayb-qaatay xuska maalinta.

Madaxweynaha Somaliland, Shir-guddoonnada Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee Qaranka, xildhibaanno iyo, Marti-sharaf ka kala timi dalalka deriska iyo dadweynaha caasimadda, ayaa si weyn uga qayb-qaatay xuska munaasibadda 18 May.

Magaaooyinka waaweyn ee gobollada dalka oo ay ugu horreeyaan Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo, ayaa si weyn looga xusay munaasibadda 18-ka May, waxaana dadweynaha degmooyinkaas kala qayb-galay masuuliyiinta qaranka iyo sraakiisha ugu sarreysay Xisbiyada Mucaaradka.

Sidoo kale, waxa xuska munaasibadda maalinta si weyn looga dabbaal-degayaa dunida dacalladeeda  iyo meel kasta oo ay ku sugan yihiin shacbiga Somaliland

Hoose ka Daawo Xuska munaasibadda 18 May soo Toos ah