Gobollada iyo Degmooyinka Dalka oo saaka si weyn looga Ciiday iyo Madaxda dalka oo shacbiga kala qayb-galay (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa saaka kala qeyb galay salaadii ciidul fidriga Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa kumanaan qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo oo hadal ka jeediyay salaadii ka dib, ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba waxaanu ILAAHAY ka baryay inuu acmaashii bishii ramadaan ay dadweynuhu la yimaadeen ka aqbalo.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay faro-adaygaan nabadgelyadda dalka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inaanay Somaliland qaranimadoodu wax gor-gortan ah geli Karin oo ay shacbiga Somaliland aayahooda ka tashadeen 21 sanadood ka hor oo ay samaysteen maamul dawladeed oo madax-banaan isla markaana soo dhisteen xukuumad iyo Goleyaal ku yimid codka dadweynaha.

Waxa kale oo saaka si weyn looga oogay salaada ciidul fidiriga ee Magaalada Hargeysa masaajidada iyo garoomadda waaweyn ee ay ka mid yihiin Hargeysa Stadium, Garoonka tareedhiska, Garoonka Xawaadle, Garoonka Guryo-samo, Garoonka Sayladda, Garoonka dhalinta iyo goobo kale, waxaana halkaasi kala qeyb galay masuuliyiin iyo culimadda magaaladda Hargeysa oo dadweynaha u jeediyay khudbado diini ah oo ku wajahan fadliga bishii Ramadaan iyo munaasibadda ciidul fidrigaba.

Dhinaca kale, waxa saaka si weyn looga ciiday magaalooyinka Laascaanood, Burco, Ceerigaabo, Berbera, Boorame, Gabiley, Bali-gudbadle, Caynabo, Saylac, Sallaxley iyo guud ahaan deegaamada kale ee dalka.