“Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Laascaanood-na…” – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Garowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan-ku-haynta inta badan Deegaannada Gobollada Sanaag iyo Sool ee Somaliland isla markaana ay u hadhsan tahay oo kaliya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalooyinka Ceerigaabo oo Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamul-goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, ayaa sheegay inay dagaal aan dhiig ku daadan kula wareegeen gacan ku-haynta inta badan deegaamada Sanaag iyo Sool kaddib markii sida uu sheegay ay kasdeen quluubta shacabka ku dhaqan deegaannadaas, kuwaas oo uu tusaale ugu soo qaatay magaalada Badhan oo uu sheegay inay markii hore ahayd magaalo gacanta ugu jirtay Somaliland oo calankeedu ka lushay balse xilligan uu maamulkoodu ka taliyo.

Wasiirka Amniga Puntland oo u warramay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ah ee ka hawl-gala maamul-goboleedkaas, waxa uu sheegay inay sidoo kale la wareegeen ciidamo deegaanka u dhashay oo uu sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay xilligan ka mid yihiin Ciidammada Maamulkooda Puntland.

Masuulkani waxa uu sheegay inay maamul ahaan ku hawlan yihiin isla markaana ay qorshaha ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen, ulana wareegi lahaayeen gacan-ku-haynta magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood oo uu sheegay inay yihiin meelaha kaliya ee xilligan gacantooda maamul ka baxsan.

“Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa. Sidoo kale Laascaanood-na iyada oo aan hawl badan laga marin ayey dhammaanaysaa oo waa socotaa,” sidaas ayuu yidhi wasiir Dhabanacad.

“Magaalada Badhan waxaad ogtihiin markii madaxweyne Deni la dooranayey, laba calan ayey lahayd laba guddoomiye, calan Somaliland ah ayaa ka taagnaa, maanta arrintaasi ma jirto,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Waxa jira ilaa laba kun iyo Boqol ciidan gaadhaya oo badankoodu waagii hore Somaliland u diiwaangashanaa ayaa maanta Puntland gacanta ugu jira oo dib loo tabobaray”.

Hadalka ka soo yeedhay maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay maalmo kooban ka hadhsan yihiin Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo sida laga war-qabo ah xilliga kaliya ee maamul-goboleedka Puntland caadaystay inay weerarro hubaysan ku soo qaadaan Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisimahoodu ku yaalla Bariga gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo masaafo aan badnayd u jira xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Maamul-goboleedka Puntland oo sheegta  deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa inta lagu gudo-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa ay weerarro milatari oo gaadmo ku soo qaada Ciidamada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay deegaannada Gambadha iyo Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, haseyeeshee ciidamada maamulkaasi waxa ay weerradaas kala kulmaan guul-darro iyo Jab soo gaadha Ciidamadooda oo u badan malleeshiyo-beeleed deegaanka u dhashay oo la soo abaabulay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net