GOBOLKA SANAAG: Jawharadda Somaliland – W/Q: Ibraahim Xasan Gaagaale

Dal kasta waxa uu leeyahay gobol laf-Dhabar u ah taariikhda sooyaalkiisa, qiimaha dhulkiisa, quruxdiisa, dal-xiiskiisa, wanaagga cimiladiisa, iyo degsiimadiisa. Gobolka Sanaag waa gobol ku sifooba arrimahan oo dhan iyo kuwa kaleba waxaanu gobollada kale ee dalka Somalilnad kaga duwanyahay arrimaha soo socda:-

1. Waa gobolka ay ka soo askuntay ummadda Somaliland isla markaana ay ku duuganyihiin awoowayaashii ay ka soo farcantay (The Cradle of Somaliland People and the Region of The Tombs of their Ancestral Forefathers).

2. Waa gobolka ugu weyn Dalka Somaliland oo qiimoweyn u leh ummadda Somalilad xagga nolosha ummadda iyo degsiimada mustaqbalka marka dadka Somaliland bato.

3. Waa gobol qani ku ah: Xoolaha, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska, macdanta iwm.

4. Waa gobol aad u qurux-badan xagga muuqaalka dhulka iyadoo isku darsatay buuro dhaadheer oo cagaaran, xeebo aad u degan oo qurxoon, Kaymo, banaano, taagag, togag, iyo dooxooyin.

5. Waa gobol cimiladiisu aad u wanaagsan tahay oo xillikasta lagu noolaankaro.

 

BUURAHA SURAD IYO DAALO

Gobolka Sanaag waxaa ku taalla buurta ugu dheer Somaliland oo magaceeda la yidhaado Surad (7,000ft) . Waxaa kale oo ku taalla Buurta Daalo oo ugu qurux-badan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland taas oo leh laagag dhaadheer oo aad daruuraha hoos u eegeyso. Waxay Buurta Daalo hodon ku tahay boqolaal dhir oo kala jaad ah oo aan wadanka intiisa kale laga helin, gaar ahaan dhirta dhaadheer ee dayibka oo qoriga dhismaha iyo looxaanta laga sameeyo. Waxaa kale oo ay leedahay kaymo iskugu dhafan dhir kala jaad ah, waxayna bixiyaan ur aad u udgoon marka la dhexmarayo.

Buurta Daalo waxaa kale oo ay aad ugu fiicantahay dal-xiiska oo haddii hudheelo laga dhiso soo jiidanaysa dal-xiisayaal badan oo ka yimaada dacallada dunida. Labada buurood iyo dhulka Sanaag intiisa badan waxay hodon ku yihiin ciid aad tayadeedu u sarayso oo ay wax waliba ka bixikaraan iyo ilo iyo durduro biyo ah oo waraabiya. Waxaa lagu beerikaraa khudradda nooc kasta iyo xataa shaaha, iyo dalagyada kale ee beeraha.

Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somaliland u tartanto mustaqbalka (In shaa Allaah), quruxda iyo qaniimadiisa faraha badan ee Eebbe ku manaystay awgeed. Waxaa uu noqondoonaa gobol si weyn caan ugu ah horumarinta xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga,

macdanta, dal-xiiskaba iwm. Waxaa kale oo gobolku aad ugu wanaagsanyahay beeridda midhaha sida farsuga, mishmishka, rumaanka, karaska,tiinka, saytuunka, tufaaxa, iyo noocyada Cinabka. Waxaa kale oo gobolka ka bixikara cuntada nooc kasta oo kale. Buuraha Gobolka Sanaag waxay can ku yihiin dhirta maydiga, beeyada, xabbagta iwm. Xeebaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag waxaa ku yaal dekedo yar yar iyo tuulooyin aad uga da’ weyn magaalada Ceerigaabo, oo ay ugu caansan yihiin dekedaha Maydh iyo Xiis.

Gobolka Sanaag waxaa uu noqonayaa degaanka ugu weyn ee ummadda Somaliland ku samata-baxdo mustaqbalka xagga degsiimada marka dadku bato iyo horumarka noloshaba. Gobolka qiimahaas weyn leh waxaa uu go’doon ka ahaa dalka intiisa kale kana qatanaa horumarka dalka muddo ah 23 sano ah. Qiimaha maanta iyo qiimaha mustaqbalka ee Gobolka Sanaag waxaa fahantay Xukuumadda maanta dalka ka talisa ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Moxamed Moxamuud (Siilaanyo) isagoo madaxweynuhu si dhab ah ugu dhaqaaqay fulinta astaantii ugu horreysay ee gobolkaas weyn ku soo xidhilahayd dalka intiisa kale taas oo ah dhismaha jidka weyn ee Burco-Ceerigaabo si uu gobolku dalka ula qaybsado horumarka dhan kastaba ah. Dhismaha jidkan waa guulweyn oo ummadda Somaliland u soo hoyatay guud ahaan iyo Gobolka Sanaag gaar ahaan.

FAA’IIDOOYINKA JIDKA BURCO-CEERIGAABO

Wadooyinku waa kaabayaasha dhaqaalaha dal ugu muhiimsan waxayna dal u leeyihiin faa’iidooyin badan oo aan la koobikarin. Jidka cusub ee Burco-Ceerigaabo waxa uu Gobolka Sanaag iyo dalkaba u leeyahay faa’iidooyinka soo socda:

– Wadooyiis-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada. Jidka Ceerigaabo waxa uu ka qaadanayaa qaybweyn fududaynta iyo sahlidda is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada Somaliland.

– Wadooyinku waxay isku xidhaan dal waxayna meesha ka saaraan kala qoqobnaanta iyo isku-gudub la’aanta. Jidka Ceerigaabo waxaa uu meesha ka saaraaya kala-qoqobnaantii iyo isku-gudub la’aantii uu ku jiray Gobolka Sanaag.

– Wadooyinku waxay sahlaan gaadhsiinta dalagyada meelkasta oo dal ka tirsan. Jidka Ceerigaabo waxa uu sahlayaa in wax-soosaarka Gobolka Sanaag (Dalag beereed) uu gaadhikaro meelkasta oo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland iyo in dalagyada gobollada kale ee dalku si fudud oo hawlyar u gaadhaan gobolka Sanaag.

-Wadooyinku waxay fududeeyaan maalgashiga iyo ganacsiga dal. Jidka Ceerigaabo waxa uu maalqabeenada Somaliland u fududaynayaa inay si weyn u maalgashadaan Gobolka Sanaag xag ganacsi iyo xag dal-xiisba, arrimahaas oo Gobolka Sanaag aad qani ugu yahay,

Wadooyinku waxay qaybweyn ka qaataan dhaqdhaqaaqa dadka iyo dalagyada, waxayna dadka ka saaraan go’doonka iyo saboolnimada maadaama ay ku dhiirigelinayso in wax-soosaarka la gaadhsiinkaro dal meelkasta oo la doono. Jidka Ceerigaabo waxaa uu dadka ku nool Gobolka Sanaag ku dhiirigelinayaa inay labalaabaan wax-sooraka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo gobolku qani ku yahay maadaadama ay xoolahooda iyo dalagyadooda si fudud u gaadhsiinkarayaan dalka intiisa kale taas oo keenaysa in dad badan oo gobolka ka tirsan ka baxaan saboolnimada.

– Wadooyinkku waxay fududeeyaan in horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ay dal wada gaadhaan. Jidka Ceerigabo waxa uu gobolka Sanaag u fududaynayaa inay ka qaybgalaan horumarka dhaqaalaha dalka iyo daryeelka iyo horumarinta bulshada gobolkaas oo ay qaybweyn ka helaan Mashaariicda Horumarinta, daryeelka caafimaadka bulshada, horumarinta waxbarashada, iyo sancada casriga ah.

– Wadooyinku waxay fududeeyaan in si degdeg ah loogu gurmankaro meelkasta oo dal ka tirsan marka dhibaato la soo gudboonaato. Jidka Ceerigaabo waxaa uu sahlayaa in Gobolka Sanaag deg deg loogu gurmado haddii ay haleesho masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, daadadka, cudurada iwm.

-Wadooyinka waxay qayb libaax ka qaataan difaac dal si marka dhibaato dagaal la soo gudboonaato deg deg loogu gurmado oo loo difaaco meeshii la soo weeraro ama iska-horimaad ka jiro. Jidka Ceerigaabo waxaa aad u sahlayaa in gobolkaas dedeg loogu gurmado hadii cadowaga Somaliland u soo hanqal-taago ama soo weeraro si uu u waxyeeleeyo ama u kala dhantaalo qaranimada iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gobolka Sanaag waa nafta iyo laf-dhabarka Somaliland waayo waa gobolka ugu weyn Somaliland xagga baaxadda dhulka, ugu qaniimada badan, ummadda Somalilandna baahitiridoona xagga degsiimada marka dadka bato mustaqbalka. SIDAAS DARAADEED, GOBOLKA SANAAG WAA JAWHARADDA DALKA SOMALILAND. Waxaa nasiib-darro ah in xukuumadihii ka horreeyay xukuumadda maanta jirta ee madaweyne Mudane Axmed Siilaanyo anay marnaba fahmin qiimaha gobolkaas kana fekerin sidii gobolkaas qiimaha weyn leh loogu dhisilahaa Jidka si loogu soo xidho dalka intiisa kale. Waxaa iyana la yaab leh in ummadda Somaliland iyo maalqabeenadeeduba ay intii badnayd ku xoomeen kuna uruureen labada magaalo ee waaweyn ee dalka.

(Hargeysa iyo Burco) oo aan laga fekerin sidii horumarka iyo maalgashiga loogu jeedinlahaa Gobolka Sanaag oo aad u qiimo badan.

Waxaan marka hore hambalyo weyn u soo jeedinayaa Mudane Madaxweyne Axmed Moxamed Moxamuud (Siilaanyo) oo horseed u ah dhismaha Jidka Ceerigaabo oo runtii halbowle u ah isku-socodka dalka, horumarka dalka guud ahaan, iyo difaaca dalka, arrimahaas oo runtii ah guulo waaweyn oo u soo hoyday umadda Somaliland, si weynna u gelaya taariikhda dalka. Waxaan kale oo hambalyo u soo jeddinayaa Guddiga Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo naftooda u huray ka rumaynta dhismaha jidkaas. Maanta qofka jidka Burco-Ceerigaabo siyaasadeeya waa qof wadaninimadiisu aad u hoosayso waana arrin uu ku farxayo cadowga Somaliland.

SOO JEEDIN Waxaan xukuumadda iyo ummadda Somaliland u soo jeedinayaa in Jidka Burco-Ceerigaabo si weyn oo dhaxal-gal ah loo dhiso isla markaana loo jeesto horumarka iyo difaaca Gobolka Sanaag. Waxaan maalqabeenada Somaliland u soo jeedinayaa in Gobolka Sanaag ay ku sameeyaan maalgashi weyn siiba beeraha, kalluunka, iyo dal-xiiska. JIDKA BURCO-CEERIGAABO WAA HORUMARKA IYO DIFAACA DALKA.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale