Go’aamo Lix Qodob ah oo laga soo saaray Khilaafka Jaamacadda Hargeysa oo todobaadkan la furayo

Sacad Cali Shire
Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo ay weheliyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aamo ka soo saaray Khilaaf galaaftay waxbarashadii Arday ee Jaamacaddaas oo u dhexeeya Maamulka iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda.

Guddiga Sare ee Jaamacadda iyo Xubnaha Wasiirrada ah oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa ugu horeyn ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo halkaas ka akhriyey Go’aamada Guddigu ka soo saareen Khilaafka Jaamacadda Hargeysa oo ka kooban Lix Qodob.

Jaamacadda Hargeysa, ayaa labadii todobaad ee u dambeeyey xidhnayd, kaddib markii ardayda Jaamacadda qaarkood weerar ku qaadeen isla markaana khasaare naf iyo hantiba leh u geysteen jaamacadda iyo shaqaalaheeda, waxaana abaabulka dhacdadaas lagu eedeeyey qaar ka mid ah macalimiiin wax ka dhigta Jaamacadda oo uu ka mid yahay Proffessor Cadaad oo khilaaf ka dhexeeyo maamulka Jaamacadda.

Halkan Ka Daawo Warkan oo faahfaahsaan